Kooxda Real Madrid Oo waddadii guulaha kusoo laabatay Iyo Mucjisada LaLiga Ee La Joojin La’yahay Oo Hoggaanka Isku Ballaarisay

0

Kooxda Real Madrid ayaa kusoo laabatay waddada guusha, kadib khasaarihii ay Axadii kala soo kulmeen Atletico Madrid oo kusoo dishay saddex gool oo madax ahaa oo ay jihada kaga lumiyeen goolhaye Kepa Arrizabalaga.

Naadiga Los Blancos ayaa garoonkeeda kusoo dhoweysay Las Palmas kulan uu tababare Carlo Ancelotti kaydka u diray kala-bar ciyaartoydiisii uu kala hortegay Atletico Madrid, kuwaas oo uu muddo kooban kaga daba tegay David Alaba oo dhaawac uu soo gaaray.

Tababare Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu awoodda sare lahayd, ayaa waxa ay labadii qaybood heleen min hal gool, waxaanay 2-0 ku garaaceen Las Palmas oo halyeygoodu uu ahaa goolhaye Alvaro Vellas oo haddaanu joogi lahayn la jabsan lahaa kooxdiisa.

Garoonka Santiago Bernabeu oo ay taageereyaashu usoo buuxiyeen inay niyadda u dhisaan xiddigahooda, si ay dib ugu soo laabtaan tubta guusha, ayaa waxa sidoo kale ay u kaceen Vincius Junior oo ka soo laabtay dhaawac uu kaga maqnaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey kooxdiisa.

Xiddiga Brahim Diaz oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee uu ugu soo bilowdo Real Madrid ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, kadib markii uu goolka hortiisa ka helay kubbad uu Lucas Vazquez oo beddelay David Alaba oo dhaawacmay uu kasoo dhiibay dhinaca midig.

Xiddiga Diaz ayaa waxa uu goolkan ku illowsiiyey taageereyaasha dhawr fursadood oo dahabi ahaa oo uu khasaariyey, kuwaas oo mid ka mid ah uu ula tegay goolhayaha oo kaliya oo uu ka dul qaaday balse dhinac ka martay goolka.

Waxaa kale oo intii aan loo bixin waqtiga nasashada uu nasiibku diiday Joselu oo saddex fursadood oo goolal ay kusii qorteen taageereyaashu lumiyey, halka Nacho uu goolka hortiisa ka helay kubbad uu darbadeeyey oo uu ku beegay goolhaye Villas.

Kolkii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay sagaal daqiiqadood socotay ayaa gool aad u qurux badnaa oo madax meel fog ah uu Joselu hoggaanka ugu sii dheereeyey Real Madrid, isagooo baas dahabi ahaa ka helay Rodrygo Goes.

Tababaraha reer talyaani ee Carlo Ancelotti ayaa firfircoonaysiiyey ciyaartoydiisa markii ay goolasha dhaliyeen, waxa aana uu ogolaaday in ay Las Palmas kubadda ciyaarto oo ay inta badan haysato, isagana kooxdiisu ku dedaasho inaan loo weydaaranin goolka.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay la wareegtay kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga oo ay kala baxday Barcelona oo xalay barbarro 2-2 ah la gashay Real Mallorca, waxaanay haystaan 18 dhibcood oo ay ka urursadeen toddoba ciyaarood.

Dhanka kale, kooxda mucjisada noqotay xilli-ciyaareedkaan ee naadiga Girona ayaa sii wadata bandhiggeeda iyo guulaha xiriirka ah, waxayna xaqiijisatay guul kale oo ka caawisay in ay hoggaanka horyaalka si buuxda ula wareegaan.

Kooxda Girona ayaa waxa ay 2-1 kusoo karbaashtay Villarreal oo ay marti ugu ahayd Estadi de la Ceràmica, waxayna sidaas ku yeelatay 19 dhibcood, taasoo ka dhigan in toddobadii ciyaarood ee ay dheeleen ay halmar oo kaliya barbarro galeen lixda kalena guuleysteen.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *