Waa Maxay Ganaaxa ku dhacay Reece James Oo Dhaawac Ugu maqan kooxdiisa

0

Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ganaax ku riday kabtanka kooxda Chelsea ee Reece James oo u jiifa dhaawac uu muddo ku maqnaanayo, kaasoo aan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee ay kooxdiisu dib u helayso.

Xiddiga Reece James ayaa lagu helay inuu aflagaadooyin u geystay garsoore kulankii Aston Villa ee Axadii ee ay guul darradu ka soo gaartay kooxdiisa, isaga oo waliba dhaawac ku maqan.

Xiriirka FA-ga ayaa hore u sheegay inay baaritaan ku samaynayaan Reece James oo u jiifa dhaawac kasoo gaaray ciyaartii Liverpool ee bilowga horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkaan.

Markay dhamaatay ciyaartii horyaalka Premier League ee Aston Villa ayaa wuxuu James ka hor tegay garsoore Jarred Gillet oo uu aflagaadooyin ugu geystay gudaha Stamford Bridge, inkasta oo uu dhaawac ahaa oo aanu ciyaarayn.

War saxaafadeed uu soo saaray xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ayaa lagu sheegay, in Reece James uu jabiyey qodobka FA Rule E3 markii ay dhamaatay ciyaartii Aston Villa ee Axada September 24.”

Xiddiga James ayaa loo qabtay illaa Jimcaha in uu kaga soo jawaabo dembiga loo haysto, ka hor intaan la dhaqan gelinin ganaaxa lagu ridayo.

Ciyaryahanka James ayaa ay suurtogal tahay inuu waajaho ganaax laga saaro inuu u ciyaaro kooxdiisa marka uu kasoo laabto dhaawaca oo ay wararku sheegayaan in uu taam noqon karo dhamaadka bisha October.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *