WAR DEG-DEG AH: Tababaraha cusub ee Real madriid oo loo magacaabayo Roberto de Zerbi

0

Kooxda Real Madrid ayaa tababaraheeda cusub ee badalaya Carlo Ancelotti u magacaabaysa Roberto De Zerbi oo ah tababaraha kooxda horyaalka Premier League ee Brighton, halkaas oo muddo kooban oo uu joogay uu ku soo bandhigay aqoontiisa iyo kartidiisa tababarenimo oo dad badan soo jiidatay.

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay in ay raadinayso tababarihii ay ku beddeli lahayd tababare Carlo Ancelotti oo shandaddiisu xir-xiran tahay, ugu badnaana sii joogi kara inta ka hartay xilli-ciyaareedkaan, waaba haddii uu ka badbaado in la cayriyo.

Guul darradii ay Atletico Madrid u xambaarisay Axadii ayaa keentay in canaan badan loo jeediyo tababare Carlo Ancelotti, isla markaana uu Florentino Perez suuqa u galo siduu u heli lahaa beddel karti leh oo kooxda hoggaamiya.

Sababta ugu weyn ee Real Madrid ay u raadinaysa beddelka Carlo Ancelotti ayaa ah inuu heshiis la gaaray xulka qaranka Brazil oo loo magacaabayo tababaraha xulka dalkaas sanadka 2024.

Warbaahinta Cadena SER ee saldhiggeedu yahay waddanka Spain ayaa sheegtay in Roberto De Zerbi uu noqday dookha koowaad ee Real Madrid oo Perez uu la xiriiraayo si uu ugu qanciyo inuu yimaaddo Santiago Bernabeu.

Kooxda Los Blancos oo sidoo kale lala xiriirinayaa tababaraha Bayer Leverkusen iyo ciyaaryahnkii qadka dhexe ee Xabi Alonso, ayaa waxa warkaan cusub uu ka dhigan yahay inay mudnaanta siinayaan Roberto De Zerbi oo ay ku qanceen shaqadiisa Brighton.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *