Barcelona oo barbaro la gashay Real mallorca

0

Kooxda Barcelona ayaa barbaro niyad-jab ah ka tuugtay kooxda yar ee Real Mallorca oo laba jeer goolal kala hormartay qaybtii hore kulan kusoo dhamaaday barbarro 2-2 ah oo uu Xavi Hernandez ka shalaaynayo go’aamadii uu qaatay ciyaarta ka hor.

Naagida Barcelona ayaa laba jeer ka daba timid Real Mallorca oo goolal kala hormartay, iyada oo beddello uu sameeyey Xavi ay ka caawiyeen in ay hal dhibic oo waqti dambe ah kasoo helaan Estadi Mallorca Son Moix oo inta badan ay iyagu kubadda ku daadahinayeen laakiin ay ka maqnayd sirta dhalinta goolashu.

Daqiiqadii 8-aad ee bilowga ciyaarta ayay Mallorca u dabbaal-degtay goolkeeda koowaad oo uu u dhaliyey xiddiga Vedat Muriqi oo ahaa xiddiga garoonka oo ka faa’iideestey kubbad uu ka helay Antonio Sánchez.

Goalkan ayaa waxa sabab u ahaa qalad xun oo uu sameeyey goolhaye Ter Stegen oo baas uu difaaciisa u dhiibayey lugta u geliyey Real Mallorca oo ay weerarkeedu si fiican uga faa’iidaysteen.

Kooxda Barcelona oo ogsoonayd in ay hoggaanka si buuxda iskugu ballaadhinayso oo ay ka baxsanayso Girona oo ay isku dhibco ahaayeen ayaa ku dadaashay in ay qaybta horeba ciyaarta barbarro ka dhigto.

Ciyaaryahanka reer Brazil ee Raphinha oo lagu ciilay kursiga kaydka xilli-ciyaareedkaan, ayaa shabaqa soo taabtay ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxa uuna goolkiisu yimid daqiiqaddii 41-aad.

Laakiinse Mallorca oo kaashanaysay garoonkeeda Estadi Mallorca Son Moix ee ay taageereyaashu usoo camireen ayaa mar kale hoggaanka la wareegtay ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada iyadA oo ay socdeen daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu diyaray ciyaarta.

Kubad uu soo laaday goolhayaha Real Mallorca ee Predrag Rajković ayaa waxa madax kusii taabtay Vedat Murigi, waxa aanay dhaaftay difaacyada oo uu orod kaga dheereeyey xiddiga Abdón Prats oo dhamaystiray.

Goalka labaad ee Real Mallorca ayaa waxa kaliya oo kubadiisa taabtay Vedat Muriqi oo bartamaha garoonka joogay ka hor intii aanay u tagin Prats.

Daqiiqaddii 75-aad ayaa waxa Barcelona goalka barbarraha u dhaliyey laacibka dada’yar ee Fermín López oo beddel kusoo galay, halka rikoore laga diiday Lamine Yamal iyo Joao Cancelo.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Barcelona ay afar dhibcood lumisay toddoba ciyaarood oo horyaalka ah, waxayse haysaa hoggaanka iyagoo leh 17 dhibcood, balse Girona oo Arbacada ciyaaraysa ayaa 16 dhibcood haysata, halka Real Madrid ay iyaduna leedahay 15 dhibcood oo ay hal dhibic dhaafi doonto Barca haddiii ay guuleysato.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *