Q7: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalmo kadib. Tartanka Wuxuu Socdayba waxaa isku soo Haray Labada Iskuul ee ay kala Dhigtaan Canab iyo Cali.

Kulanka Ugu Dambeeya waxaa wada tartamay Labada Iskuul, laakiin waa ay kala Mari waayeen, Xaataa su’aalihii lagu daray waa ay isku Mari waayeen.

Guddiga Tartanka waxa ay Go’aansadeen in ay ka kala saaraan Labada arday ee Canab iyo Cali, Si uu tartanka meel u dhaco.

Cali iyo Canab Tartankii waa laga saaray, oo waxaa la fadhiisiyey Qeybta  ay Fadhiyaan Guddiga.

Tartanka Waxaa ku Guuleystay iskuulka Canab. waana Loo hambalyeeyey.

Cali waa uu u hambalyeey Canab, isaga oo yiri; “Runti annaga waa nalaga soo Saaray, Haddana waad Badiseen, Tartanka inta uu socday waa Kulankii ugu adkaay ee aan arko weliba Guddiga ku rafaadeen, heer ay go’aansadaan annaga in ay naga soo saaraan, Waana kuugu Hambalyeenayaa Abaayo”

Canab: “Mahadsanid aboowe kaa guddoomay Hambalyada”

Abaalmarinada ayaa la Bilaaway.

Cali iyo Canab waxaa la guddoonsiiyey  Abaalmarin lacaageed, taasi oo ay ku Muteysteen Dadaalkooda wacan, waana labada arday ee ugu jawaabis badnaa Tartanka oo idil.

Canab iskuulkeeda waxaa la gudoonsiiyey Buugaag iyo Lacag #Check ah.

Cali iskuulkiisana waxaa la gudoonsiiyey Buugaag iyo Sabuurado.

Cali iyo Canab oo wada faraxsan ayaa kasoo wada tageen Halkii uu tartanka ka dhacaayey, waxa ayna isku raaceen Xeebta Badda si ay halkaasi kusoo jawi degsadaan kuna soo sheekeystaan.

■ Xoogaa kadib

Cali iyo Canab oo wasa socda ayaa wada yimid Maqaayad Ku taala Xeebta.

Canab iyo Cali waxaa dhex-martay Sheeko dheer.

Cali: “Abaayo Maalmahaani waxaa dareemayaa jiidasho, sidii Bir qabatada oo Kale, Mana ogi halka la ii jiidanayo”

  • Hadal Cirbad ka Xanuun Badan.

Canab oo ah Gabadh Xikmad iyo Karti alle ku maneystay, waxa ayna gashay Isla hadal yar oona is tiri “Tolow wiilkaani miyuu kuu qaaday Jaceyl” isla hadal Kadib: “Aboowe Jiidashadaasi Ma mid jaceylbaa mise wax kale”

Cali ayaa ugu jawaabay: “Wallaahi waxa aan dareemayaa jiidasho saa’id ah, balse waan arki doonaa halka la ii jiidano”

Canab: “insha allah iyadaa soo Bixi doonta aboowe”

Cali iyo Canab waxa ay galeen sawiro iyaga oo isla fadhiya iyo iyaga oo is-garab taagan.

Canab iyo Cali waxa ay wada sheekeystaanba waxa la gaaray Waqti dambe.

Cali iyo Canab waa ay isa soo raaceen oo waa ay kasoo tageen Maqaayadii Xeebta ku taalay.

  • Xoogaa kadib

Canab iyo Cali markii ay xaafadda soo galeen waa ay kala tageen oo ay is-macsalaameeyeen iyaga oo kala aadeen Guriyahooda.

Cali marka uu xaafadda yimid Lacagtii lasoo guddoonsiiyey waxa uu u qeybiyey walaalihiisa.

Canab iyaduna marka ay xaafadda tagtay Lacagtii lasoo siiyey waxa ay farta ka saartay Hooyadeeda

Saacado kadib

Canab iyo Cali waxa ay ku kulmeen Qadka internet-ka.

Cali Iyo Canab sheekooyinkooda Kaftanka leh ayey bilaabeen.

Canab: “Maantay waa ku Foodeyn lahaay Balse wax walba farxadda i heysay ku hilmaamay”

Cali: “Haddii maantay i foodeyn laheyd Sir badan ogaan laheyd filaa”

Canab: “Sirtaasi aan ogaan lahaay hadda ma ii sheegtid”

Cali ayaa ku dhahay Canab: “Sirtaasi afkayga waa ay kasoo Bixi la’dahay, laakiin Foodadaada kaftanka leh ayaa sabab u noqon laheyd inaad ogaadid”

Canab waxa ay tidhi: “Haye aboowe, waddo ayaaba ii furtay oo aan ku ogaan lahaay Waxa ku jiidanayo, balse anigaa aqaano sida aan kaaga ogaan lahaay taas”

Cali ayaa ku dhahay Canab: “Abaayo Dagaal weyn ayaaba igu soo qaadi rabtaa miyaa, Balse waa inaa is-difaaco inta aan awoodo”

Canab waxa ay tidhi: “Adiga oo indhahaaga furan-yihiin ayaan kaa ogaan doonaa Sirtaasi”

Cali: “Haye aan aragno sida aad usoo saarto sirtaasi”

Canab: “haye insha allah Aboowe Haddana waa waqti dambe oo beri xiisadda ha lasoo dhaqsado ayaa nala yiri”

Cali: “Haa abaayo, aniguba ha iga reebin oo waan iska seexanayaa, marka aynu wada seexano, Habeenakana hakuu wacnaado Huuno”

Canab: “Sidoo kale aboowe, Laakiin ereyada qaar aan kaa maqlo markale ku weydiin doonaa oo hadda waqti uma hayo”

Cali: “Haye insha allah abaayo”

Canab iyo Calu halkaasi ayey isku macsalaameeyeen.

Canab iyo Cali Xiriirkooda Saaxiibtinimo waa uu sii Labo Jibaarmay, wuxuu gaaray Heer Guriyaha la isku soo Booqdo.

Cali iyo Aabbihiisa oo wada sheekeysi dhex-mareysay ayaa uu Aabbihiisa yiri: “Wiikeygow Maalmahaan waxaan dareemayaa inaad usii badaneyso Dhankaasi Haasaawaha Caashaqa, Gabadhaan Canab la yiraahdo ma wax jacayl ayaa idinka dhexeeya”

Cali: “aabbe wax jacayl ah inagama dhexeysa Balse aniga ayaa dareemaya Xoogaa jacayl oo aan y qaaday iyada”

Aabbaha: “Wiilkeygow waxaad qarineyso inaad iska dhaafto, waa inaad isku daydaa afkaada inaad wax ka sheegato sida ugu dhaqsiyaha badan”

Cali: “Wallaahi aabbaheyga waaba Romantic, yaqaana jacaylka, Haye aabbe waan u sheegan doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan”

Cali iyo Aabbihiisa arimo badan oo ku saabsan Canab ayey ka sheekeysteen, Aabbihiisana Taloooyin ayuu ka qaatay.

 

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *