Tababare Carlo Ancelotti ayaa Magacaabay Qofkii Sababta U Ahaa Guul darradii Real Madrid Ee Xalay

0

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa diiday in uu wax cudur-daar ah ka bixiyo guul darradii cuslayd ee kooxdiisa kasoo gaartay Atletico Madrid oo xalay ku burburisay 3-1, isla markaana soo afjartay guulihii xiriirka ahaa ee Los Blancos.

Kooxda Real Madrid ayaa laga dhaliyey saddex gool oo madax ah, iyada oo difaacyahanadoodu daawanayaan. Laba ka mid ah goolashan waxaa dhaliyey Alvaro Morata halka goolka kalena uu ku daray Antoine Griezmann.

Natiijadaan ayaa keentay in Real Madrid ay lumiso hogaanka oo ay u dhacdo kaalinta saddexad, waxanay hal dhibic ka dambaysaa Barcelona iyo Girona oo min 16 dhibcood haysta.

Tababare Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu qaatay masuuliyadda wixii ka dhacay garoonka Civitas Metropolitano, waxa uu sheegay in saddexda gool ee laga dhaliyey ay isku mid ahaayeen, sidoo kale ay jireen dayacaad ka timid difaaca.

Wuxuu ku dooday in dhibaatada ugu weyn ay kooxdiisa ka haysato difaaca, mushkilada kooxdiisuna aanay ahayn weerarka, waxa uun yiri: “Si fiican kuma aanaan bilaabanin, si fiican iskuma aanaan difaacin. Markii ay ciyaartu maraysay 2-0, hore ayaanu u baxnay oo si fiican ayaanu u ciyaarnay. Laakiinse dhibaatadyadu waxa ay ahayd difaaca.”

Kolka la weydiiyey in dhibaatadu ahayd qaabka ay ku ciyaarayeen oo uu fadhiisiyey Joselu, sidoo kalena uu afka hore geeyey xiddiga Jude Bellingham, waxa uu yiri: “Waxa ay ila tahay in mushkiladdu aanay ahayn qaabka, balse ay ahayd difaacyada oo jilicsanaa. Ma aanan ahayn kuwo isku xiran ama isku duuban, waanay naga faa’iidaysteen.”

Intaas kadib wuxuu Ancelotti magacaabay cidda leh masuuliyadda guul darrada, waxa uu yiri: “Marka kooxdu aanay guuleysanin, amaba aanay samaynin wixii ay ahayd in ay samayso, waa aniga masuuliyaddayda. Garabka ayaan saaranayaa, waanan qaadanayaa.”

Ciyaartii xalay ayaa Real Madrid u muuqatay koox yar oo weerarkeedu ma badneyd, waxaana la tabay weerarkii real madrid sida xiddiga Vini7

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *