Arsenal Iyo Tottenham Oo dhibcaha wadaageen, Chelsea oo laga badiyey iyo Liverpool oo guulaheeda sii wadata

0

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa barbarro ku heshiiyey kulan ay si adag ugu dagaalameen Emirates Stadium oo ay dhibcaha ku qaybsadeen 2-2, taas oo uu khalad xun oo dilaa ah sameyey xiddiga Jorginho oo kubbad hadiyad uga dhigay Spurs.

Kulan xiiso badnayd oo ay labada kooxood ee isku magaalada ah ee Arsenal iyo Gunners ugu dagaalamayeen midkooda dhibcaha ku horreynaya maadaama ay isku mid ahaayeen, ayaa waxa isku muujiyey Heun min Son ayaa laba goal ka dhaliyey Gunners, halka Bukayo Saka uu gool dhaliyey, mid kalena ku qasbay difaaca Spurs in ay isku qabtaan.

Xiddiga Heung min Son ayaa ciyaarta ku furay gool offside ahaa oo daqiiqaddii saddexaad ee bilowga uu ku leexiyey shabaqa isagoo meel difaacyahanada ka dambaysa ka helay kubbad uu soo laaday Bissouma, hase-yeeshee waxa lagu qaaday offside.

kooxda Arsenal ayaa heshay fursad waqti hore ay hoggaanka ciyaarta kula wareegi karayeen, iyada oo qalad uu sameeyey Udogie uu ka faa’iidaystay Nketiah oo baas khaldan ka qabsaday xerada ganaaxa, waxase ka badbaadiyey goolhaye Vicario.

Kooxda Arsenal ayaa la hormartay dhalinta goolasha daqiiqadii 26-aad, markaa oo uu difaaca reer Argentina ee Cristian Romero isku qabtay in uu difaaco kubbad uu soo laaday Bukayo Saka, taasoo uu u dhigay lugta bidix kadibna kaga dhacday jilibka oo ku leexatay dhinaca goolkiisa.

Xiddiga Gabriel Jesus ayaa fursad fiican oo uu hoggaanka ugu sii dheerayn lahaa kooxdiisa ka helay xerada ganaaxa, waxaana ka badbaadiyey goolhaye Vicario, iyada oo James Maddison uu ciriiriyey Jesus si uusan u helin fursad uu si fiican ugu toogan karo goolka.

Xiddiga David Raya ayaa muujiyey sababta uu u noqday goolhayaha koowaad ee Arsenal ee booska looga saaray Ramsdale, kadib markii kubbad ay isku soo dhiibeen Son iyo Johnson oo gool loo filanaayay uu si lama filaan ahaa ku badbaadiyey, isagoo dhinaca midig bootin cajiib ah u sameeyey.

Dhammaadka qaybta hore oo ay saddex daqiiqadood ka harsan tahay ayay Tottenham keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Heun min Son oo ahaa geesiga la saaxiibay shabaqa Arsenal, isaga oo sii dhamaystiray kubbad uu ka helay ciyaarayanka James Maddison, iyadoo qaybta horena lagu kala nastay 1-1.

Marka lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay sagaal daqiiqadood ayaa Arsenal loo dhigay rikoore kadib markii kubbad uu soo laaday Ben White ay gacanta kaga dhacday Cristian Romero oo ay u ahayd maalin xun.

Garsooraha ayaa kasoo hubiyey VAR oo looga yeeray ayaa ku qancay in ay kubaddu ku dhacday gacan furan oo leexisay jihadeeda, waxaana sidaas uu ku dhigay rikoore uu gool u beedalay Bukayo Saka oo shabaqiisa u weydaartay goolhaye Vicario oo bandhig fiican samaynaayay.

1 daqiiqo oo kaliya ayay ku qaadatay Tottenham in ay keento goolka barbarraha, waxaana haddiyad siiyey Jorginho oo bddel ku soo galay.

Ciyaarayahan Maddison ayaa kubadda ka xoogay Jorginho oo bartamaha garoonka joogay, waxana uu xerada ganaaxa ugu dhiibay Son oo isaguna lugta midigta u adeegsaday in uu u dhamaystiro, waxaanay sidaas ku noqotay ciyaartu barbarro 2-2 ah.

Labada kooxood mid walba waxa ay dhamaadkii ciyaarta u dagaalameen in ay helaan goolka guusha, ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ay Tottenham u dhowaatay inay gool kusoo xidhato ciyaarta, hase-yeeshee waxa ay ku heshiiyeen barbarro 2-2 ah.

Natiijadaas yaa ka dhigan in Tottenham ay ku jirto kaalinta afaraad ee Premier League oo ay ku haysato 14-dhibcood, waxanay farqiga goolasha ka horreysaa Arsenal oo shanaad u dhacday iyadoo Brighton ay xoogsatay kaalinta saddexad oo ay ku haysato 15-dhibcood.

Dhanka kale. Kooxda Liverpool ayaa sii wadata rikoorka guulaha xiriirka ah ee xilli-ciyaareedkaan, waxaanay xoogsatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay kali ku noqotay, kadib markii ay 3-1 ku karbashen West Ham United oo marti ugu ahayd Anfield.

Sidoo kale kooxda Chelsea ayaa guul-daro kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa premier League, 0-1 ayaa looga badiyey, xilli ay roosa qaadatay Chelsea.

Naadiga Chelsea ayaa ku guuldareysatay in ay gool dhaliso 13 kulan oo Premier League ah sanadka 2023, waana in ka badan kooxaha kale. Waa waqtiyada ugu badan ee ay ku guul-dareystaan ​​in ay gool dhaliyaan hal sano gudaheed horyaalka tan iyo 1995 (14 kulan).

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *