WAR DEG-DEG AH: Marcus Rashford Oo Shil Baabuur Oo Naxdin leh Galay – Sidee waaye Xaaladdiisa?

0

Xiddiga kooxda kubadda cagta ee Manchester United ee Marcus Rashford ayaa galay shil baabuur oo halis ah, kadib ciyaartii ay xalay guusha ka gaareen Burnley ee garoonka Turf Moor.

Rashford ayaa markii ay ka soo laabteen ciyaartii Burnley, wuxuu tegay garoonka tababarka Manchester United ee Carrington oo uu ka kaxaystay baabuurkiisa Rolls Royce ee qiimihiisu yahay £700,000 Gini.

Ciyaaryahanada Manchester United oo isticmaalayey bas ayaa markii ay yimaadeen garoonka kooxdooda wuxuu mid walba kaxaystay baabuurkiisa qaaska ah, waxaase waxyar kadib shil halis ah galay Rashford oo ay isku dhaceen mooto ama dhug dhuglay, waxana uu falkani ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn halka uu kaga soo dhacay jidka halbowlaha ah ee u dhow garoonka Carrington.

Muuqaalo laga duubay ayaa waxa ay muujiyeen booliska oo ku urursan baabuurka Marcus Rashford oo uu isaguna ka dhax muuqdo, waxaana sida uu sheegay wargeyska The Sun aad u naxsanaa Rashford.

Warbaahinada Ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay in dhaawaca gaaray Rashford iyo wadaha mootada ee ay isku dhaceen.

Warka ayaa inta ku daray, in aan la xirin Rashford sidoo kalena aanay jirin wax baabuur gargaar deg deg ah oo loogu yeeray taasina caddaynayso in shilka aanu ka dhalanin khasaare weyn, laakiinse uu xiddiga reer England si aad ah uga naxsanaa shilkan uu galay.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *