Ciyaaryahanka Harry Kane ayaa 3 Gool dhaliyey 2 kalena caawiyey Xilli Ay Bayern Munich Geysatay Xasuuq Weyn

0

Kooxda Bayern Munich ayaa gaartay guul weyn oo 7-0 ah oo uu Harry Kane ku sameeyey rikoor cajiib ah isagoo shan gool u dhaliyey kooxdiisa qaarna ka caawiyey, kuwo kalena shabaqa gaarsiiyey.

Garsooraha ciyaarta ayaa haddiyad uga dhigay Harry Kane kubaddii lagu ciyaarayey, kadib markii ay ciyaartu dhamaatay, iyada oo tababare Thomas Tuchel uu qosol garoonka dhaxdiisa la tala-tallaabsanayay, iyada oo ciyaartoyda kooxduna ay u dabaal-degeen sidii ay ku guuleysteen horyaalka oo ay dhamaadkii ciyaarta garoonka dhaxdiisa ku damaashaadeen.

Naadiga Bayern Munich oo garoonkeeda Allianz Stadium ku martigelisay kooxda yar ee VfL Bochum ayaa waxa ay ku karbaashtay 7-0, waxaana saddex ka mid ah goolashaas dhaliyey Harry Kane oo laba kalena caawiyey.

ciyaaryahanka reer Cameroon ee Choupo-Moting ayaa furay gool dhalinta Bayern Munich afar daqiiqadood oo kaliya markii ay ciyaartu socotay, waxa aana sideed daqiiqadood kadib shabaqa soo taabtay Harry Kane.

Qaybta hore ayey Bayern Munich is raacisay afar gool oo daran doorri ah halka VfL Bochum oo ka timid heerka labaad ay daawadeyaal ka ahaayeen ciyaarta oo ay awoodi waayeen in ay hakiyaan Kane iyo weeraryahanada afka hore ee daadka ahaa.

Goolasha Coupo Moting iyo Kane, waxa laba kale ku daray Matthijs De Ligt iyo Leroy Sane ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin, hase-yeeshee markii lasoo laabtay ayaa ay halkooda kasii wateen gumaadka.

xiddiga Harry Kane ayaa 45kii daqiiqadood ee dambe laba gool oo uu midkood rikoore ahaa dhaliyey, halka goolka kalena uu raaciyey Mathys Tel oo waqti dambe beddel kusoo galay.

Kooxda Bayern Munich oo shan ciyaarood dheeshay ayaa hoggaanka horyaalka ku haysa 13 dhibcood, waxa aana min hal dhibic ka dambeeya Stuttgart, Hoffenheim iyo RB Leipzig oo kaalinta labaad isku haysta inkasta oo ay farqiga goolasha ku kala horeeyaan.

Kulankii shalay galabna sidaasi auey guul weyn ka gaartay kooxda Bayern Munich

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *