Waa maxay sababta loo diiday inuu ciyaaro Vincius Kulanka Madrid Derby Ee Axadda kooxdiisa la ciyaareyso Atletico madrid

0

Naadiga kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu wargeliyey in aysan liiska ciyaartoydeeda kusoo darsanin xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior kulanka Madrid Derby ee Axadda, inkasta oo uu tababare Carlo Ancelotti saxaafadda u sheegay in uu laacibkaani kusoo laabtay tababarka oo uu diyaar yahay.

Tababaraha reer Talyaani ayaa saxaafadda u sheegay, in Vinicius Jr uu fursad u haysto kulanka Atletico Madrid laakiin uu xaqiijinayo in ciyaarta Las Palmas ee Arbacada uu dheeli doono halka Axadda ay fursaddiisu sarrayso.

Xiddiga Vinicius Jr oo uu daawac kasoo gaaray ciyaartii Celta Vigo ee bartamaha bishii hore ee August, ayaa waxa hore loo filayay inuu garoomada ka maqnaan doono lix toddobaad, hase-yeeshee laacibkaan ayaa si degdeg ah u bilaabay in uu soo kabto oo uu tababarka qaato.

Tababare Ancelotti oo saxaafadda la hadlay kadib ciyaartii Union Berlin ee habeen hore, ayaa waxa uu sheegay xiddiga reer Brazil uu waqti kooban kaga soo kabtay dhaawaca oo uu ciyaari karayo kulanka Atletico Madrid balse aanu qaadanaynin wax Qatar ah.

Balse dhakhaatiirta kooxda ayaa la sheegay in ay Carlo Ancelotti u sheegeen in aanu xisaabtiisa Madrid Derby ku darsanin Vincius Junior oo aanu ku talo gelin in uu ciyaari doono sababata oo ah muruqa uu dhaawacu kasoo gaadhay oo wali u baahan waqti intaan ka badan oo soo kabasho ah.

Si kastaba ha-ahaatee, Real Madrid ayaa uu qorshaheedu ahaa in ay ciyaarsiiyaan Vinicius Junior, hadduu taam u noqdo, sababta oo ah waxa uu burburin karayay qorshaha tababare Diego Simeone ee ku sallaysan dagaalka iyo ciriiriga la saaro ciyaartoyda.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *