Arsenal oo xasuuq geysatay, Bayer oo ka badisay United iyo Kulamda laga ciyaaray Champions league

0

Naadiga kubadda cagta Bayern Munich ayaa guul ka gaartay Manchester United oo marti ugu ahayd garoonka Allianz Arena oo toddoba gool ay labada kooxood iskaga dhaliyeen, xilli uu goolhayaha Anre Onana noqday murugada kooxda Manchester United burburka ku keentay.

Kooxda Bayern Munich ayaa laba gool la hormartay qaybtii hore kadib qalad xun oo dilaa ahaa oo uu sameeyey goolhaye Onana ayaa kubbad diciif ahayd oo uu ku soo laaday Leroy Sane ay ka hoos baxday daqiiqadii 28aad, halka afar daqiiqadood kadibna uu ogolaaday in Serge Gnabry uu laad kale oo aad u liitay uu ka dhaliyo, inkasta oo eedda goolkaan dambe ay qaybsanayeen difaacayahannada kooxdiisa.

Goolhayr Onana oo moodayey in uu kubadda qabtay ayaa ka baxsatay farihiisa, waxa aanay u weydaaratay shabaqiisa taas oo keentay in ciyaartoyda kooxdiisu ay dhaxda qabsadaan oo ay niyad jab dareemaan, halka goolka labaad oo lagaga toogtay xerada ganaaxa aanu xataa isku dayin in uu raaco.

Kooxda Bayern Munich oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa ka sokow labada gool oo ay la timid qaybta hore, waxa kale oo ay heshay fursado ay iska lumiyeen ciyaartoydeeda afka hore iyo Khadka dhexe, maadaama Manchester United ay isku dhax-yaacsanayd.

Kolkii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay afar daqiiqadood socotay ayuu Rasmus Hojlund niyadda usoo celiyey kooxdiisa Manchester United uu u dhaliyey gool dib u furay ciyaarta, kaas oo ahaa goolkiisii koowaad ee uu u dhaliyo kooxdiisa cusub.

Balse goolkaasi masii waarin, waxa aana dhacday niyad jab kale kadib markii afar daqiiqadood oo kaliya kadib Bayern Munich loo dhigay rikoodhe. Christian Eriksen baa gacan ku qabtay kubad koorne ahayd oo uu madax kusoo celiyey Upamecano, waxa aana laga soo hubiyey VAR oo waafaqday go’aanka garsooraha dhexe oo hubin ugu tegay VAR.

Xiddiga Harry Kane ayaa gool u bedelay rikoorahaas oo uu xarrago dhaliyey, isagoo aan wax badan iskaga tirinin goolhayaha reer Cameroon ee xaaladda adag ku jiray.

Dhammaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayuu Casemiro gool labaad u dhaliyey Manchester United, waxa aanay taasi keentay in ay Red Devils niyadda gashato in ay keeni karaan barbarraha, hase-yeeshee waxa ay dayaceen difaacooda.

Kooxda Bayern Munich oo ka faa’iidaysanaya in Man United ay hore usoo baxday ayaa weerar rogaal celis degdeg ah ku qaadday goolka United saddex jeer, waxa aana laba ka mid ah badbaadiyey goolhaye Onana oo isku dayayey inuu iska mayro ceebtii uu sameeyey bilowgii ciyaarta.

Waqtigi dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa Mathys Tel oo beddel kusoo galay uu ciyaarta ka dhigay 4-2 isagoo dhaliyey kubbad uu lasoo galay xerada ganaaxa oo weerar rogaal celis ah ahayd.

Balse goolkaas waxa mar kale ka daba timid Manchester United oo uu gool kale u dhaliyey Casemiro oo madax ku qabtay kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Casemiro, waxa aanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-3 ay guushu ku raacday Manchester United.

Dhanka kale Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xasuuq weyn kula soo noqotay tartanka Champions League oo ay kaga maqnayd muddo lix sanno ah, waxa aanay 4-0 ku dubatay PSV Eindhoven oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.

Natiijooyinka kulamadii kale ee caawa:

R. Madrid 1 – 0 Union Berlin

Bayern Munich 4 – 3 Manchester Utd3

Arsenal fc 4-0 PSV Eindhoven

Galatasaray 2 – 2 Copenhagen

Fc Sevilla 1 – 1 Lens

Kooxda Sporting Braga 1 – 2 Napoli

Kooxda Benfica 0-2 RB Salzburg

Kooxda Real Sociedad 1- 1 Inter Milan

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *