Real Madrid oo baxsatay xiliga dhimashada iyo Bellingham oo mar kale Guul Ku Hoggaamiyey kooxdisa  

0

Naadiga kubadda cagta Real Madrid ayaa guul ku furatay tartanka Champions League, waxa aanay si dhib badan kaga adkaatay Union Berlin oo daqiiqadii ugu dambaysay ay ka dhaliyeen gool soo daahay kaas oo magaciisa qaatay xiddiga Jude Bellingham.

Xddiga Qadka dhexe ee reer England ayaa shabaqa ku hubsaday kubad gantaal ahayd oo uu Fede Valverde ku toogtay goolka oo difaaca ku dhax rafatay, waxaana goolkaan oo ahaa midkii lixaad ee uu Jude Bellingham u dhaliyo Real Madrid uuna go’aamiyey natiijada ciyaarta.

Kooxda Real Madrid ayaa nasiibku u diiday oo laba jeer ay birta kaga dhacday kubbado badan ay goolhayaha dhaafiyeen Rodrygo iyo Joselu halka Luka Modric uu u qalmayay in gantaaladii uu gamay ee quruxda badnaa mid ka mida ugu yaraan hal gool ku helo.

Naadiga Los Blancos Lagu naaneyso ayaa inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa qaybtii horeba iska lumisay fursado badan hase-ahaate waxa cadaadiskoodu uu batay qaybtii dambe oo uu Carlo Ancelotti beddel ku keenay Toni Kroos iyo Fede Valverde oo lagu badalay Aurelien Tchouameni iyo Camavinga.

15-jeer ayey Real Madrid toogatay goolka, waxa anay toddoba ka mid ah ku hagaajiyeen goolka oo laga badbaadiyey. halka Union Berlin ay saddex jeer oo kaliya toogasho samaysay oo aanay midkoodna ku beegin goolka.

6 ka mid ah toogashooyinka Real Madrid waxa badbaadiyey goolhaye Frederik Riis Ronnow oo ahaa geesi garab waayey oo halyeygii hortaagnaa ee Bonucci ay aakhirkii da’du u run sheegtay oo talax gabay.

Intii ay ciyaarta socotay, Real Madrid ayaa dhameystiray 813 baas oo ay ciyaartoydeedu isku dhiib dhibeen halka Union Berlin ay kaliya ciyaartoydeedu kubadda isku baaseen 263 jeer, taas oo muujinaysa sida ay Real madrid uga awood roonayd kooxda reer Germany.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *