Q4: “Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey” Sheeko

0

Saacadu Waa 9:00 Habeenimo. Cali Teleefoonkiisa ayaa soo Qeyliyey(soo Yeeray).

Cali waa uu fiiriyey teleefoonka, Kadib ayuu isla Hadlay oona yiri: “Lambarkaani Garan maaye, Tolow yuu Noqon karaa”, isla hadal kadib waa uu qabtay Teleefoonka.

Canab: “waan Ku salaamay Dhiblowga Hadalka”

Cali: “waan Kaa qaaday, Balse waa Tuma mida saan oo dhan ii duqeynesa”

Canab: “kuuma Sheegayo Ee isku Day inaad Codkeyga soo xusuusato”

Cali: “Karan Maaye, Qofka aad tahay isku key sheeg, Ama teleefoonka iska Xir oo Hurdo i heyso aan iska Seexdee”

Canab: “Caawa Waa inaa kaaga Faa’iideystaa Maadaama Hurdo ku Heyso, Waayp Dhawr Mar aan is-aragnay Hadal igu weerari Jirtaye”

Cali: “Haa Ma Canabaa Qofta sidaan igula Hadleyso”

Canab: “Canab Ma ahane waa Cibaado”

Cali: “Haye Cibaado, Laakiin weligeyga Kuma arag kumana Maqal ee halkee ka keentay Lambarkeyga”

Canab: “Haa Adigaa isiiyey Lamabrkaan”

Cali: “Haa Haye Cibaado, Maxaan kaa Caawiyaa oo aniga kubbad Ciyaarow lee aqaanaaye”

Canab: “Cibaado Ma’ahan Aboowe, Qofta kula Hadleysana Waa Canab”

Cali: “Inaa Kula Jilo jillinka Kaftanka ah Maxaa ii diiidayo, Laakiin Durbadiiba waad Soo Afjartay kaftankaasi Abaayo, inaa adiga tahay waxa aan ogaaday markii aad i tidhi (Waan ku Salaamay Dhiblowga) iyo Codkaada”

Canab: “Adiga meel walna u Roone ayaad noqotayee”

Cali: “Aniga Meel walba uma Rooni”

Canab: “Aboowe Runti Wiil Kaftan leh ayaad tahay”

Cali ayaa ku dhahay: “Adiga oo Gabadh ah aaba iga daranee oo waxa aad tahay Gabadh Bashaash ah Masha allaah”

Canab: “Mahadsanid Aboowe”

Cali: “Adigaa Mudan, Laakiin Haddii aan Meel Walba u Roonahay, Maxaa diidaya inaa Qalbigaada U roonaado”

Canab: “Haye Kaftankaadii miyaad soo Rogaal celisay”

Cali: “Haa Dabcan ila Fahamtay, Balse dhab waa ay isku badali karaan”

Canab ayaa ku tidhi: “Haa Waa saxan tahay waayna Noqon karan, Balse Jaceylku waa Ka Hortagaha Hamigaad ka leedahay Nolosha, sababtoo ah Jaceylku Mar waa U roone Hamiga Nolosha Marna waa ka Hor tage Hamiga Nolosha, (Hadba Waa sida uu kuu soo Maro)”

Cali ayaa yidhi: “waaw! Masha allaah, Gabar Wax badan garaneysa iga dheh, Jaceylka iyo Ciyaarista Banooniga Maxaa Ka Dhexeeya ma ii sheegi kartaa isaguna?”

Canab: “Jaceylka iyo Ciyaarista Banooniga Ama Jirdhiska waa walaalo, Waayo Haddii aad Banooniga Jeceshahay Waxaad Heleysaa Farxad iyo kalgaceyl Nafsiyadeed, ama Haddii aad Jirkaada Dhisto oo alamiiteyso waxaad Heleysaa furfurnaasho Jirka ah, Dareemaha Kalgaceylka u qaabilsan in uu dareemo Farxad ama Bashaash, Mar walbana Jaceylka iyo Ciyaarta Banooniga ama Jirdhiska waa Walaalo aan kala dheereyn”

Cali: “Masha allaah kaba Daran, afkaaga Caano qabow lagu qabay, Matkaana waxaad wax iga Sheegtaa Jaceylka iyo Waxbarashada”

Canab: “Jaceylku waa Ilmaha Waxbarashada, Waxbarasho La’aaanteeda Jeceyl ma jiri laheyn. Waayo Markii aad adduunka imaaneysay waxaad Baratay Sida loo Hadlo, loo socdo, loo arko, loo Maqlo, I.WM.  Haddii aad waxbarashada Jeclaadid Waxaad Gaareysaa Hormar wanaagsan, waana taasi Farqiga u dhaxeeya jaceylka iyo Waxbarashada”

Cali: “Waaaw Masha allaaah, Runti wax badan baan Kaa Bartay Caawa, Yaan ku daalinine Mar kale baan isla soo xiriiri doonaa oo hadda waa waqti dambe abaayo”

Canab: “Insha allaah Aboowe Qery badan, Habeenkana Hakuu Wacnaado”

Cali: “Sidoo Kale Abaayo”

Canab iyo Cali halkaasi ayey isku Macsalaameeyeen.

“Ruuxa aadan rabin, hadana ku raba adiga, keliya waxa aad u muujisaa Deganaaan, waxaa surtogal noqon karta ama laga yaabaa ina aad Gadaal ka Jeclaadid qofkaasi”

“Wehel La ahow Wanaaga, iskana Dhawr Xumaanta”

“Ruuxba Ruux waa uu ka daran yahay, Calashaan Dadka isku mid ma ahan oo Alle Ma simin Shanta Farood”

 

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *