RIKOODH CJIIB Ah: Goolhaye Dhaliyay Kubbad Madax ah Waqtigii Dhimashada Ciyaarta Islamarkaana Galay Buugga Taariikhda ee Champions League

0

Gool-hayaha kooxda Lazio ee Ivan Provedel ayaa daqiiqaddii 95-aad ee ciyaarta ka dhaliyay goolka barbaraha ee tartanka champions League kooxda Atletico Madrid, taas oo keentay in si waali ah looga dabaal-dego garoonka Olimpico ee magaalada Roma.

Goolahayaha 29-jirka ee reer Talyaani, kaas oo horeyba hal gool u dhaliyay ka dib markii uu gool ka dhaliyey kooxda Serie C ee SS Juve Stabia sanadkii 2020, ayaa go’aansaday in uu riski qaato ilbiriqsiyadii ugu danbeyaay ee kulan ka tirsanaa Group E.

Ciyaaryahanka Ivan Provedel ayaa boos qaadasho fiican sameeyay isaga oo madax ku dhaliyay karoos aad u fiican uu soo dhigay ,iddigaLuis Alberto.

Waxa ayna taasi keentay in goolhayihii hore ee Chievo iyo Empoli in uu noqday goolhayihii 4-aad ee taariikhda Champions League gool ka dhaliya.

Goolhaye Ivan Provedel ayay u noqotay waqti uu abid xasuusan doono isaga oo noqday goolhayihii ugu horreeyay ee gool Champions League ka dhaliya tan iyo Vincent Enyeama kaas oo gool u dhaliyay kooxda Hapoel Tel Aviv kulan ay la ciyaareen Lyon sanadkii 2010-kii.

Hans Jorg Butt oo ahaa goolhayihii Bayer Leverkusen ayaa 3-gool u dhaliyay saddex kooxood oo kala duwan oo Jarmal ah waayihiisa Champions League, halka goolhayahii Sinan Bolat  uu barbareeyay Standard Liege kulan ay la ciyaareen AZ Alkmaar sanadkii 2009-kii.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *