Xiddiga Felix oo mar kale goosha soo taabtay iyo Barcelona oo Xasuuq u Geysatay Naadiga Antwerp

0

Naadiga kubadda cagta ee Barcelona ayaa 5-0 ku xasuuqday kooxda yar ee reer Belgium ee Antwerp oo daqiiqadihii ugu horreeyey ee bilowga ciyaarta ay kaga takhaluseeen.

Naadiga Barcelona oo sannadihii ugu dambeeyey niyad-jab kala kulmaysay tartanka Champions League ayaa samaysay dhoolatus, waxa aanay nus darsin goolal ah garka u gelisay Antwerp oo ku cusub tartanka Champions League.

Xiddiga amaahda ugu joogra Barcelona reer Portugal ee Joao Felix ayaa iska mayray murugadii ay badeen Atletico Madrid iyo Chelsea ee uu ku ciiloonayay sanadihii ugu dambeeyey ee ay isku dhacsanaayeen tarababare Diego Simeone, waxa aana uu laba jeer soo taabtay shabaqa labadii qaybood ee ciyaarta.

Xiddiga Joao Felix ayaa furay gool dhalinta Barcelona daqiiqaddii 11-aad oo kubbad uu ku maamulay xerada ganaaxa uu shabaqa ku hubsaday, ka hor intii aanu hadiyad siinin Robert Lewandowski oo uu ka caawiyey goolka labaad ee kooxdiisa oo sideed daqiiqadood ka dambeeyey midka uu laacibka reer Portugal hoggaanka ku kenay.

22 daqiiqadood markay ciyaartu maraysay ayey Barcelona ciyaarta ka dhigtay 3-0, waxa aana goolka saddexaad iska dhaliyey Jelle Bataille oo isku leexiyey kubbad si lama filaan aheyd.

Kooxda Barcelona ayaa iska lumisay fursad ay kusii dheeraysan karaysay hoggaanka ciyaarta, gaar ahaan Robert Lewandowski oo khasaariyey kubbado badan oo goolal caddaan ah loo fishay, halka Joao Felix oo la siiyey boos xor ah oo aan meel ku xaddidnayn uu shaqo badan ka qabanayay xerada ganaaxa iyo garabka bidix.

Ciyaarya Qaybta labaad markii lagu soo noqday ee ay afar daqiiqadood oo kaliya socotay ayuu Gavi hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa Barcelona, halka Joao Felix uu mar kale ku soo laabtay dhalinta goalasha oo uu daqiiqadii 55-aad saxeexay goolka shanaad ee Barcelona.

Ciyaaryahanka Raphinha ayaa uu nasiibku diiday oo helay fursado cajiib ahaa, halka Gavi uu fiirsasho la’aan u toogtay goolka dhawr jeer.

Kulanka ayaa kusoo dhamaatay 5-0 ay guushu ku raacday Barcelona oo durba kasii fikiri doonta wareegga 16ka maadaama ay ku jirto group jilicsan oo hormada H ay ku wehelinayaan FC Porto iyo Shakhtar Donetsk.

Kooxda Porto ayaa waxa ay 3-1 ku garaacday kooxda reer Ukraine oo qaybtii horeba ay saddexda gool ka dhalisay.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *