Sir: Lamaanayaasha isjecel Qaladaadka Joogtada ah ay Sameeyaan

1

Ilowshaha in aad bogaadiso: Xiriiradu waa ay cakirmaan marka lamaanayashu aanay isku muujin isku mahadnaqin waqtiyada ay isla qaateen muhiimaday leedahay, badanaaba lamaanayaasha waxa ay caado ka dhigtaan damaanadqad naxariista dhex-taala, waana hanaan wanaagsan in aad uga mahadnaqdo lamaanahaaga markaad ka soo dhex saarto mashquulkii badnaa iyo daalka islamarkaana daryeel wanaagsan aad u fidiso marka uu daalan yahay. Oraahda markaasi ah waad mahadsantahay waxa ay kordhisaa ayey leeyihiin quburada xushmada ka dhexeysa lamaanaha, waana aragtida xiriirka wanaagsan.

Dhaqan lamaane Ma idinka muuqdaa; kolkii ugu horeysay ee aad kulanteen wax aad ahaydeen kuwa waqti wanaagsan isla qaata oo isla daawada aflaanta ama soo wada dukaameysta sida adinkoo lamaane isku xiran ah xilliga shukaansiga, laakin mudo ka dib guurka waxaa yimaada in qof walba uu ka badin waayo howlmaalmeedka caadiga ah, waxa aana meeshaas ku luma xiisihii badnaa ee leysku qabay.

Is-weheshiga waa hanaanka ugu wanaagsan ee xiriirka wanaagsan. afmaaldahan.com ayaa ku leh Isku day in aad qabanqaabiso waxyaabo xiiso iyo farxadgelin kara lamaanahaaga.

Shaki ama Xasaasiyada ka dhalata dabagalka;

Haweenka qaar waxaa caado u ah iney ama habdhaqan in lamaanahooda ay ku sameeyaan dabagal ama baaritaan, dhaq-dhaqaaq walba oo uu sameeyana, baaraan mobile-kiisa, ka raadiyaan alaabihiisa gaarka ah waxyaaba cadeyn kara inuu Qiyaamayo ,hase-yeeshee xiriirka wanaagsan arimahaas oo dhan waa ka mamnuuc, ka dhigo xiriirkaaga asaaskiisa in uu noqdo kalsooni. Iska indhotir waxyaabaha yar-yar ee macnaha aan ku fadhiyin.

Wadahadal ama Wada sheekeysi la’aan; Dadka mararka qaar waxa ay ka cawdaan in ay la hadlin lamaanahooda. Hadii aad ka gaabsato in aad wada lafagurtaan arrin taagan,arrintaani waxa ay gaareysaa xilli aanay wax ka qabasho laheyn, waxaa kuu wanaagsan adigoo deganaan adeegsanaaya in aad ka wada xaajootaan xaalada taagan, iyada oo aan eedeymo iyo wareer iyo weerar celis aanuu wadahadalkiina ku saleysneyn.

Is-mari waaga habeenkii xilliga dambe; Lamaanayaal badan waxa ay aaminsan yihiin in uu xiriirkooda QalQal ku jiro markay arkaan in mashquulka badan uu kala fogeynaayo, islamarkaana la waayo fursad lagu kulmi karo.

Muranada ama dooda ka dhaca mashquulka badan waa Qatar aan la dhayalsan karin, waa sabab macquul ah in qofka asaga oo daalan aanuu fursad u heli karin in uu la soo qaayo waqti jaceylkiisa ama uu gurigeeda soo booqdo.

La’aanta Jaceylka; Markay lamaana ahaan noloshu ku dhisan tahay, waa muhiim in aanu jeceylkaasi aanu duugoobeynin, qoysas badan ka dib guurka waxaa dhamaada xiisiihii iyo jaceylkii leysku muujin jiray, haddii xilligii hore aad maalin walbo u diri jirtay fariimo ah inaad jeceshahay, maxaa diiday in aad jaceylkaas siyaabo kala duwan ku muujiso maadaama aadba hada wada nooshihiin

Dardargelin la’aan: Ka fikir sida aad u kool-koolin jirtay maalmihii ugu horeeyey ee shukaansiga, xamaasadii balaarnayd ee aad u qabtay la kulanka qofkaas iyo sida aad isku diyaarin jirtay, iyada oo saacadaha la kala maqan yahayna ay bilo kuula muuqatay.

Qiyaano: Markay timaado mowduuca khiyaamada xiriirada jaceylka waxa uu u baahan yahay dib u dhisid qoto-dheer, dhammaan dareenada diidmada iyo ku xadgudbida ku saleysan waa tajiibada ku qanacsanaan la’aanta, si arrintaas looga gudbana waxa ay qaadataa muddo. Waxaa lagu xalin karaa haddii labada dhinac garwaaqsadaan in uu jiro qaladaad xagooda ka dhacay ka hor khiyaamada.

Hinaase ama Maseerka: Haddii lamaantaada ama lamanahaaga uu yahay qof maseer badan, shakiguna daba taagan yahay waxa ay tani abuuri kartaa xaalad adag, sii wadida dabeecadahaasi waalida ah, waa marxalad wax u dhimi karta dulqaadka qofka kale. Qofka maseerka badani waxa uu u baahan yahay gudaha ammaan-darada ka heyso ee sababeysa dhibaatada laga daaweeyo, in kasta oo dadka qaarkiis ku tilmaamaan in uusan sii jiri karin xiriir kalsooni darro ay hareysay.

Share this content:

1 thought on “Sir: Lamaanayaasha isjecel Qaladaadka Joogtada ah ay Sameeyaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *