Xaqiiqo: Halka laga helo Barakada
Barakada waa in kheyrka ilaaheey uu ku sugnaado waxa aad hesysato. Maxaa yeelay haddii ay barakadu wax yar gasho, waa ay badisaa, haddii ay wax badan gashana, waa ay anfacdaa. Miraha barakadaan waxaa ugu weyn in wax walba oo nala siiyey aan u adeegsanno in aan Allah ku adeecno.
Haddaba qofkii usii fiirsada waxa ay ku sugan yihiin saalixiiinta iyo culimada akhiyaarta ah, iyo ardayda cilmiga sharciga ah barta, iyo addoonta Allaah waxa uu arkaa in noloshooda ay ka muuqato barako. Waxa aad arki kartaa mid ayaga ka mid ah oo lacagtiisu yartahay ama la mid ah dadka, hase-yeeshee wixiisu waa isu gaaraan, waxna dad ayuu wax ka taraa. Gaadhigiisu ma jabid badna, dhibaatooyin kuma dhacaan keenta in lacag looga qaado, hammi iyo tacab uu daawooyin hurdo ku iibsado uma baahdo, maxaa yeelay Allaah xasuustiisa ayaa caafimaad gelisa, noloshiisa, iyo Qoyskiisa iyo shaqadiisa waa la isugu hagaajiyaa waana ay u barakoobaan.
Ma arkeysid ninkaas oo deyn loo heysto, mana culeysiso marti u timid, oo bashaashad ayuu ku soo dhaweeyaa.
Barakada meelo badan eyey gashaa:
Marka ay ubadka gasho waxa aad arki nin hal gabadh oo qudha dhalay oo ay uga nafci badato toban wiil, gabadhaas oo daacadda Allaah ku sugan, ninkeedana uu aad u qaddariyo aabbaheed una noqdo wiilkii uusan dhalin. Gabadhaas aabbaheed wexey u tahay barako.
Barakadu marka ay waqtiga gasho waxa aad aragtaa in waqti yar aad arrimo badan ku dhameysato, waxna oo aan kaa haabsaamin ama kaa tagin, waxna ayan kaa qaldamin.
Barakadu waxa ay gashaa xaaska, marka aad ka maqantahay, wanaag iyo daacadda Allaah ayey ku sugan tahay, marka aad la joogtana, farxad iyo wanaag baad ku wada joogtaan, dikriga Allah ayey ku xasuusin marka aad illowdo , Howlahaaga ayey ku xasuusin marka aad shuqloontid. Ubadka ayey xannaaneyn. Marka aad guursatay kuma kallifin, marka ay oryo noqotayna waxaaga ayey kuu dhaqaaleysaa, mar walbana waxa ay ku fakartaa aayaha reerka, ubadka iyo Allaah raalligelintiisa.
Barakadu waxa ay gashaa Cilmiga: Allaah marka uu cilmiga kuu barakeeyo, wuxuu kaa tusaa halka aayad ama xadiith boqol waji oo aad uga faaiideysato, cilmigaas Allaah waxa uu kaa dhigaa mid adduunkaana kugu haya daacadiisa, aakhirana mid kaa badbaadiya cadaabtiisa.
Guud ahaan, barakadu waxa ay gashaa maalka, ubadka, waqtiga, shaqada, cilmiga, xaaska, dacwada, gaadhiga, caafimaadka, saaxiibka, sidaa darteed waxaa waajib ah inuu qofku raadiyo in Allaah uu barakeeyo wixii la siiyey.
Maxaa yeelayna, wixii barkada laga qaado waa cadaab.
Caafimaad barakada laga qaaday waxaana lagu gutaa macsiyo badan oo qofka halaagta.
Cilmi badan o barakada laga qaaday waxaana laga dhaxlaa kibir, iyo ka fogaasho Allah.
Sidee baa Barakada lagu Helaa:
1. Taqwada Allaah: Taqwa macneheedu waa in aad carada Allaah iska xijiso raallinimadiisa oo aad ku gaashaamato daacadiisa. ” Haddii magaalo walba dadkooda ay aamini lahaayeen iskana keen ilaalin lahaayeen (ittaquu) waxaanna u furi leheyn barakooyin ka yimid cirka iyo dhulka” Acraaf 96
2. Qur’aanka akhriskiisa: maxaa yeelay waa kitaab barakeysan, oo caafimaadka jirrooyinka qalbiga uu ku jiro iyo caafimaadka xubnaha ” Waa kitab aannu kugu soo dajinney, oo barakeysan, si ay aayadahiisa ay u dhadhansadaan, kuwa nadiifka ka ah maskaxda nadiifka ah lehna waxa ay xasuustaan”
3. Ducada: Rasuulka SCW waxa uu Allah ka baryi jirey barakada, gaar ahaan waxa aan ogaannay inuu ku odhan jirey arooska ” Allaah kuu barakeeyo, korkaagan ha barakeeyo, hana idinku kulmiyo kheyrka. (Tirmidiyi) Iyo ducada qofkii cunno na siiya ” Alloow u barakee waxa aad ku arsaaqday, una dambi dhaaf, una naxariiso”
4. In la iska ilaaliyo leexo jeceylka :
Waxaa laga soo wariyey SCW asagoo la hadlayaa nin odhan jirey Xakiim ibn Huzaam in yidhi ” Xakiimoow, Maalkaani waa cagaaran yahay (quruxda dhirta) waana macaan yahay, qofkii ku qaata deeqsinnimo waa loo barakeeyaa, qofkii ku qaata lexo jeclina looma barakeeyo sida qofka wax cunaya oon dhergeyn. ( Muslim)
5. Runta oo la lagu hadlo marka wax la kala iibsado:
Waxa uu yidhi SCW” Kala iibsashadu waa la is doorrisiiyaa, haddii ay labada wax kala iibsanaya ay run isu sheegaan. ooy wax walba isu caddeyaan waa loo barakeeyaa, haddii ay wax isu qariyaan, beenna isu sheegaanna barakada waa laga tirtiraa iibkooda” (Bukhari)
6. Shaqooyinka oo loo dhaqaaqo aroorta hore:
Waxa uu yidhi SCW ” Alloow u barakee ummaddeyda aroorahooda” ( Axmed)
Markaad arrimaha aad ka raadineyso in laguu baraeeyo ku beeg arrooraha, ha noqoto ganacsi, guur doon, ama cilmi kororsasho.
7. Raacidda waddadii rasuulka SCW iyo sunnadiisa uu ku dhaqmi jirey.
Waxaa laga soo wariyey inuu yidhi SCW” Barakadu waxa ay ka soo dagtaa cunnada bartamaheeda, hadaba ka cuna hareeraha hana ka cunina bartamaha” Bukhaari
Waxa uuna soo wariyey Jaabir ibn Cabdullah RA, wuxuu yidhi: waxa uu amray rasuulka SCW in faraha la leefo waxa uuna yidhi ” Ma garaneysaan cunnadiinna qaybta ay barakada ku jirto”
8. Allaah oo la wakiisho:
Waxa uu yidhi SCW ” Haddii aad u wakiilan leheydeen Allaah si u qalanta Allaah, wuxuu idiin arzaaqi lahaa sidaa uu arzaaqo shimbiraha, waxa ay aroortii yaacdaa ayadoo baahan waxa ayn habeenkii soo laabataa ayadoo dheregsan” (Axmed)
9. Allaah oo loo talo dhiibto (ISTIKHAARA)
Mar walba oo aadd arrin muhim aha aad ku dhaqaaqeyso, sidii SCW na faray labo rakco tuko, markaas ku duceyso ducada istikhaarada.
10. In laga fogaado in dadka la baryo ama wax la weydiistp:
Waxa uu yidhi SCW xadiith macnihiisu yahay ” Qofkii wax u baahda oo markaas ka dalbada dadka, loom sahlo xaajadiisa, qofkii Allaah xaajadiisa warsadana, Allaah wuxuu siiyaa rizqi degdeg ah ama geeri daahsan” ( Axmed)
11. Sadaqada:
Allah waxa uu yidhi ” Waxa aad bixisaan, asaga ayaa idiiin celinaya” Suurat Sabaa 39
12. Maalka xaaraanta ah oo laga fogaado:
” Allaah waxa uu burburiyaa Ribada ama dulsaarka lacagta waxa uuna kordhiyaa sadaqooyinka” Baqara 276
13. Salaadda faradka ah oo la oogo:
Allaah waxa uu yidhi ” Reerkaaga far salaadda, kuna sabir (fariddaas) kuma aan warsaneyno quudin, annagaa ku quudinna, cidhibta dambena waxaa leh taqwada (ehelkeeda)” Taahaa 132
14. Mahad naqa Allaah loo mahad naqo nicmada uu na siiyay:
Allaah waxa uu yidhi ” Hadii aadd ii mahad celisaan, waan idiin kordhin hubaal ahaan” Ibraahim 7
15. Istiqfaarka oo la badiyo:
” Rabbigiinna weydiista dambi dhaaf, (maxaa yeelay) waxa uu ahaa kii dambiga dhaafayey, waxa uuna idin so deyn doonaa roobka cirka asaga oo badan, waxa uuna idin siin doonaa hanti iyo carruur waxa uuna idiin yeeli doonaa beero, waxa uuna idiin yeeli doonaa webiyaal” Nuux 10-12
Allow noo barakee waxaad na siisay, kana yeel waxa aannu u adeegsanno hoggaansanaantaada, waa sallalaahu waa sallim calaa nabiyinaa wa aalihi wa saxbihi wa ajmaciin.