Q3: “Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey” Sheeko

0

Canab: “Haye Banooniga sida loo Ciyaaro waad taqaanaa, Balse Gabadh walba inaad foodeyso waa laga Fiican yahay, Haddii aan kula hadlin Maxaad sameyneysaa tolow?

Cali: “sidaan ayaaba Goolasha kaaga dhaliyey, waxaana rabay inaa ila hadasho”

Canab: “KKK hadalka igu qiyaantay runti”

Cali: “Haa waa sidaa ee ka gudub, Magacaada iyo Halka ku nooshahay ii sheeg?”

Canab: “Magaceyga iyo Meesha aan ku noolahay waad heleysaaye, Soo raadi aniga kaama dheeriyee”

Cali: “warkaada miyaaba sidaasi ah”

Canab: “Haa haddii aad soo hesho, waxaan kuu qirayaa inaad tahay wiil meel walba ku wacan”

Cali: “Haye igu Haleey”

Canab waa ay kasoo Baxday iskuulkii oo waxa ay aaday Xaafadooda.

■  Xoogaa kadib

■  Xafladi waa ay soo idlaaday.

Cali waa uu kasoo tagay iskuulka oo waxa uu aaday Xaafadooda.

Cali xaafada ayuu yimid, Kadibna aabbihiisa ayuu Gacanta ka Saaray Haddiyadihii lasoo siiyey.

Aabbihiisa: “Wiilkeygow mar walba hormarkaada waan jeclahay Balse aqoonta ku dadaal”

Cali: “Haye Aabbe”

Canab iskuulkooda waxaa ka bilawday Imtixaankii ugu Dambeeyey ee Fasalka Form Three(11-aad).

Cali iskuulkiisa waa u ka dambeeyaa iskuulka Canab ay dhigato, waxa uuna u bilaabanayaa isbuuca ku xiga..

》Maalmihii imtixaanka ayey ku kala jiraan Canab iyo Cali.

Maalmo Kadib.

Cali iyo Canab imtixaanka waa uu usoo dhamaaday……

》 Maalin Maalmaha ka mid ah Cali oo waddada(Jidka) Maraya waxa uu Arkay Canab oo

jidka mareysa markaasina Xaafadooda u socota.

Cali: “Waaaaw Maantay Jaanis ayaan kuugu Helay, abaayo”

Canab: “Haa sax, ee iiwarn?”

Cali: “Masha allah abaayo waan Fiicanhay, adiguna iiwaran, ilaa iyo Hadda magacaada ii sheegi la’dahay”

Canab: “Aboowe waan Fiicanahay, maantay maadama aad jidka igu aragtay Magaceygu waa Canab, adiguna magacaada waaba Caan, weliba xaafadda ila degan tahay”

Cali: “Oo warbixinteeda waaba heysaa”

Canab: “Haa xoogaa, isku fasal ayaanu nahay, balse kala iskuul ayaanu nahay”

Cali: “Haa dabcan waa sidaasi Barasho Wanaagsan, ciyaar ayaan leeyahay oo aan usii ordayaaye”

Canab: “Haye aboowe insha allah inoo markale”

Cali iyo Canab halkaasi ayey isku macsalaameeyeen…..

Cali iyo Canab Markale waxa ay isku arkeen Meel Xaflad Aroos ka jirta.

Cali: “Haye Canab Aroosyada Xaataa malagaa Helayaa”

Canab: “Haa Laakiin adiga oo Nin ah maxaa kasoo raadisay arooska”

Cali: “Haa oo arooska Nin iyo Naag makala lahan”

Canab: “Oo adiga maxaad ii weydiisay su’aahaasi”

Cali: “Inaa kaa Hadalsiiyo keliya ayaan Rabay”

Canab: “Aniguba inaa Kula Doodo Keliya Rabay”

Cali: “Hadalka ayaaba igu weerartay wallaahi, ee Kaftanka kasoo Gudubee, Arooska Kawaran, Caruusadda iyo Caruuska miyaa taqaanaa?”

Canab: “Aboowe Caruusadda ayaan Aqaanaa, oo waa Saaxiibadeyda”

Cali: “Aniguba waan Aqaanaa oo Walaalkeeda Ayaan isla Ciyaarnaa Banooniga”.

Canab: “Haa haye, Aboowe Inoo Markale oo Aroosada ayaan aadayaaye”.

Cali: “Abaayo inta aadan iga Tagin kawaran Haddiia aad Telefoonkaada isiisid”

Canab: “Yaah oo Teleefoonkeyga Maxaad ku Faleysaa”

Cali: “Abaayo waxaan ku falaayo anigaa aqaane ma isiin kartaa”

Canab: “Teleefoonkeyga Cidna Ma Siiyo”

Cali: “Si kale ayaan I Fahamtay Filaa, Aniga Lambarkaada keliya Rabaa si aan kula soo xiriiro”

Canab: “Ok Aboowe waan Ku Siinayaa, Balse midkaada waa inaad isiisaa Marka Hore, kadib anigaa kula soo xiriiri doonee”

Cali: “Abaayo Adiga Dhib Badanidaa, Meel Walba Ka Dhisan tahay oo Difaacyo dhigatay, Ok waan ku siinayaa waana Kan 06100000000000”

Canab: “waxaan aad ii sheegeyso Lambar Ma ahane Ee Caadi igu Sheeg”

Cali: “Lambarkeygu waa 06152xxxxxxxxxxx”

Canab: “Dhibloow Waan kaa Qortay Inoo Mar kale anigaa kusoo waci doono” waa ayna ka tagtay Cali

Cali: “Haye waan ku sugaa Abaayo”

Munaasadii Arooska waa ay soo idlaaday.

Cali xaafadiisa ayuu tagay.

Canab sidoo kale xaafadeeda ayey tagtay.

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *