Riyad Mahrez Oo Loola Cararay Isbitaal Ku Yaala Sacuudiga –Maxaa Ku Dhacay?

0

Xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez ayaa la dhigay cusbitaal ku yaalla magaalada Jiddah ee waddanka Sucuudi Carabiya, kaddib markii uu kusoo booday xanuun aan la garanayn.

Xiddigi hore ee Machester City oo xagaagii u wareegay naadiga Al-Ahli ayaa dareemay xanuun saqdii dhexe ee Sabtidii, waxaana loo qaaday cusbitaalka isla habeennimadii iyadoo xaaladdiisuna adkayd.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warramaysa in xanuunka Riyad Mahrez loo malaynayo in uu ku sumoobay cunto, kaddib markii uu maqaaxi ku taalo magaalada ka qaatay cunto fudud.

Qaar ka mid ah waraahinta Sucuudiga ayaa soo sawiray muuqaalka Riyad Mahrez oo awoodi waayey in uu neefsado oo uu si dabiici ah u qaato naqaska, isla markaana lagu xidhay Oxygen.

Xaalada laacibkan ayaa la sheegay in uu kasoo raynayay saacadihii ugu dambeeyey oo ay kooxdiisu rajaynayso in uu dheeli karayo mar kale, inkasta oo aanay war rasmi ah soo saarin kooxdiisa al ahli.

Riyad Mahrez oo si degdeg ah ula qabsaday horyaalka waddanka Sucuudiga oo uu 2 gool ka dhaliyey, 2 kalena caawiyey shantii kulan ee ugu horreeyey ee uu u saftay kooxdiisa ayaa waxaa hantaaqo ku noqday xanuunkan kusoo booday.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *