Inter oo Xasuuq ba’an u geysatay Deriskeeda AC Milan & Juventus Oo Kaalinta Labaad Kala Baxday Milan

0

Ciyaaryahanka laga yaaban yahay Marcus Thuram ayaa ka caawiyay Inter Milan inay 5 iyo 1 ku xasuuqdo AC Milan iyaga oo sii wata guulaha ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka Serie A, waxa ayna guushii shanaad oo isku xigta ka heleen deriskooda ay xafiiltamaan.

Xiddiga Henrikh Mkhitaryan ayaa goolasha furay daqiiqadii shanaad isaga oo shabaqa ku leexiyay kubad ka timid Federico Dimarco, waxa ayna aheyd in uu mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqado kadib, balse kubad madax aheyd ayuu hareermariyay goalka ka dib karoos uu soo dhigay Dimarco.

Xiddiga Thuram ayaa gool cajiib ah ugu labeeyay daqiiqadii 38aad isaga oo kubad loo soo dhigay la garab maray ciyaaryankii xiranayay ka hor inta uusan shabaqa meel kore ka toogan isaga oo aan wax fursad ah siinin goolhaye Mike Maignan.

Xiddiga Rafael Leao ayaa gool u soo celiyay AC Milan oo liidatay kulankii maanta, laakiin Mkhitaryan ayaa goolkiisii labaad dhaliyay isaga oo Inter u soo celiyay hogaankooda labada gool.

Ciyaaryahankii hore ee AC Milan Hakan Calhanoglu ayaa dhaliyay rigoore xilli danbe ah ka hor inta uusan Davide Frattessi goolka shanaad ku darin waqtigii dhamaadka ciyaarta.

Naadiga Inter waxa ay ku soo laabatay hogaanka Serie A kadib markii ay badiyeen dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen horyaalka.

Kooxda Milan waxa ay ku jirtaa kaalinta seddexaad ka dib guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka waxaa kaalinta labaad kala baxday Juventus oo maanta 3-1 uga badisay Lazio.

Labada gool oo uu dhaliyay Dusan Vlahovic iyo gool uu dhaliyay Chiesa ayay Juventus ku garaacday kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga oo goalkooda qura uu saxiixay Luis Alberto.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *