Man United Oo Lagu dharbaaxay Gurigeeda, Brighton Oo Ku Dmaashaad tagtay Old Trafford & Erik Ten Hag Oo U Baqaya Shaqadiisa

0

Kooxda guulaha ugu badan badan premier League ee Manchester United ayaa mar kale lagu jiidjiiday garoonkeeda Old Trafford kadib, markii ay guuldarro 3-1 kala kulmeen kooxda Brighton oo marti u aheyd.

Red devils ayaa xaalka uu ku xun yahay xilli ciyaareedkaan waana guuldaradii seddexaad ee soo gaartay kadib shan kulan oo la ciyaaray, waxa ayna cadaadis xoogan saareysaa tababare Erik ten Hag oo durbaba shaqadiisa loo baqayo.

Manchester United ayaa sameeysay mar kale difaacasho xumo iyo weerar aan dhameystir laheyn iyada oo ogolaatay in Brighton ay ku damashaado Old Trafford.

Kooxda Brighton waxa ay ku qaadatay 20 daqiiqo kaliya inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Welbeck oo cidna aysan raacaneynin uu kubad ka helay Adringa, waxa ayna taasi u sahashay inuu shabaqa ka soo taabto kooxdiisa hore.

Xiddiga Rashford ayaa dhowr jeer u dhawaaday in uu shabaqa soo taabto halka Hojlund oo kulankaan lagu soo bilaabay uu gool dhaliyay balse goolkiisa la diiday madaama Rashford uu u soo dhigay kubad banaanka u baxday.

Naadiga Brighton ayaa heyshay goolkeeda labaad bilowgii ciyaarta mar kalena waxa ay ka faa’ideysteen difaacasho xumo ay Man United sameyso Lindelof iyo Martinez ayaa isha ka daawanayay ina ay Lamptey uu kubad u dhiibay Gross, kaas oo isna aan ka labalabeynin in uu shabaqa cusjiyo.

Xiddiga Pedro ayaa goolkii seddexaad u dhaliyay Brighton daqiiqadii 71aad kadib baas uu ka helay Lamptey, waxaa kubada taabtay Onana balse wuu ka celin waayay shabaqa. Taageerayaasha United ayaana waqtigaas bilaabay in ay garoonka isaga baxaan.

2 daqiiqo ka dib Hannibal oo bedelay Casemiro ayaa gool u soo celiyay Manchester United laakiin waxa ay aheyd xilli ay kala dhaceen xeero iyo fandhaal.

waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Brighton ku xasuuqday Man United oo haatan ku jirta 10-ka ugu hooseeya horyaalka Premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *