Man City Oo Rikoodhkeeda Guusha Weli Sii Socda & Hogaanka Oo Ay Ku Soo Laabteen, Xilli ay Guul Soo Laabasho Ka Gaartay West Ham,

0

Kooxda Kubadda cagta ee Manchester City ayaa ku soo laabatay hogaanka horyaalka Premier League kadib markii ay guul soo laabasho 3 – 1 ah ka gaareen kooxda West Ham oo marti loogu ahaa garoonkeeda London Stadium.

Ciyaaryahanka Ward Prowse ayaa hogaanka u dhiibay West Ham ka hor inta uusan saxiixa cusub Doku u barbareynin, waxa aana goolka guusha u saxiixay Bernando Silva ka hor inta uusan Erling Haaland guusha sii xaqiijinin.

Kulankaan ayaa aheyd mid xiiso badan iyadoo labada goolhayaba ay sameeyeen badbaadino cajiib ahaa labadii qeyb ee ciyaarta.

Kooxda West Ham ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 37-aad markii Ward-Prowse uu shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Coufal.

Kooxda la dhaho Sky Blue ayaase cadaadis oo dhan saartay West Ham si ay u helaan goolka barbaraha, waxa aana cajiib aheyd in West Ham ay afar fursadood oo isku xigta ka beenisay City oo albaabka hoore goosha u garaaceysay kooxda reer London.

Ugu danbeyntii City ayaa heshay goalka barbaraha 43 ilbiriqsi markii ay socotay qeybta labaad, saxiixooda cusub Doku ayaa kubad la soo galay xerada ganaaxa ka hor inta uusan si qurux badan u dhex dhigin shabaqa.

Ugu danbeyn City ayaa heshay goolka barbaraha 43 ilbiriqsi markii ay socotay qeybta labaad, saxiixooda cusub ee Doku ayaa kubad la soo galay xerada ganaaxa ka hor inta uusan si qurux badan u dhex dhigin shabaqa goosha.

Julian Alvarez ayaa birta garaacay halka Erling Haland laga badbaadiyay fursad cajiib ahaa, laakiinse Bernando Silva ayuu ahaa xiddigii Manchester City goolka guusha u dhaliyay ka dib markii Julian Alvarez uu u soo qaaday kubad cajiib aheud iyada oo xiddiga reer Portugal uu isna ka dulqaaday goolhayaha.

Weerark yahan Haaland oo fursado badan ku qubeystay kulankii maanta ayaa fursad kale oo ku taabasho aheyd waxaa ka beeniyay goolhayaha daqiiqadii 82aad ka dib karoos uu ka helay Kyle Walker.

Balse Haaland ayaa ugu danbeyn helay goolkii uu raadinayay daqiiqadii 86aad markii uu shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay Bernando Silva.

Kulanka ayaa ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Man City ku garaacday West Ham iyaga oo haatan ku soo laabtay hogaanka Premier League madaama ay badiyeen dhamaan shantii kulan ee ay ciyaareen

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *