Waa maxay Sababta ay Barcelona u iibineyso xiddigaheeda waaweyn?

0

Kooxda kubadda cagta Barcelona waxay gashay qalalaase markii uu shalay soo saaray horyaalka LaLiga xaddigaha loo ogol yahay koox walba in ay mushaar u siin karto ciyaartoydeeda, sababtoo ah mushaarka ciyaartoyda ayaa ka badnaaday inta uu LaLiga ogol yahay.

Kooxda Catalonia oo dhaqaalaheedu koror sameeyey xilli-ciyaareedkii hore ee ay ku guuleysteen horyaalka LaLiga, isla markaana uu gaaray dakhligoogu €667 milyan oo Euro oo isku jira xuquuqda baahinta iyo heshiisyo kale oo ay sameeyeen oo ay ku iibiyeen qaybo ka mid ah istuudiyeyaashooda iyo hantida kooxda, ayaa waxa ay wali lasii daalaa-dhacayaan dhaqaale xumadii ay ka dhaxleen cudurka COVID-19 iyo hoos u dhac dakhli.

Xilli-ciyaareedkii hore, mushaarka loo ogolaa Barcelona in ay ciyaartoydeeda siiso waxa uu ahaa €649 milyan oo Euro, waxa aanay kooxdu rajaynaysay in sare loogu sii qaadi doono amaba ugu yaraan aanay hoos uga soo dhacaynin halkaas.

Balse LaLiga ayaa waxa uu kaliya sannadkaan u ogolaaday Barcelona in ay mushaar ku bixiso ugu badnaan €270 milyan oo Euro ah, taas oo ka hoosaysa xaddigii hore €379 milyan oo Euro.

Xogta Mushaaraadka xiddigaha Barcelona ayaa helay Wargeyska Relevo in ay bixiso, waana €404 milyan oo Gini.

Arrintaan ayaa ka dhigan in Barcelona ay xadkii loo ogolaa ka sarrayso ama ka badan tahay €134 milyan oo Euro, taas ayaana qasab ka dhigi doonta in ay iska iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda.

Waxaa laga yaabaa in ay iibiso xiddigaheeda waaweyn sida de jong iyo kuwa kale oo mushaar waali ah ku fadhiya.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *