Q1: “Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey” Sheeko

1

“Calafku waa Mid Cajiib ahoo, Ciroole iyo dhalinba ma daayooo waa u Cadow

“Rabitaanka Calaf baa Ka dambeeyoo oo ku Riyaaqa”

Canab waa Gabadh Gelin wax barata Gelin kalena waxa ay ka shaqeysaa Dukaan ay ciddooda leeyihiin, kaasi oo ku dhex yaala Gurigooda.

Canab waa Gabadh aad u Furfuran (Bashaash) ah.

Canab waa Gabadh dadaal Badan oona kasoo Baxda Gaalinteeda Waxbarasho.

Canab waxa ay daawadaa Filimada Musalsalka ah, Oo lagu yaqaano Hablaha.

Canab waxa ay ka Tirsan tahay Guddiga Banaanka ee iskuulka ay Dhigato, Waana Guddi ka shaqeeyaa Hawlaha banaanka looga Baahdo, Sida Xayeysiin ama isku Xirka ardaydii dhameysay iyo kuwa hadda dhigto oo iyada ka mid tahay..

Canab waxa ay dhigataa Fasalka 11aad (Form Three)

Cali waa Wiil isaguna wax barta, Kelin waxbarashada ayuu aadaa Gelinka kale waxa uu Ciyaaraa Kubbada Cagta ama Banooniga, Waxa uuna ka tirsan yahay Koox(Naadi) Xaafadda ka dhisan.

Cali waa wiil Fahamkiisa fiican laakiin Waa Wiil Kaftanlow ah, oona Hadal Badan iyo Ciyaarista Banooniga oo uu aad u yaqaano.

Cali Kooxda dhexdeeda waxaa loogu yeeraa “Schooles” waana Ciyaaryahankii Hore ee Qadka Dhexe ugu Ciyaari jiray Kooxda Manchester United. Magacaan sababta loogu yeeray ayaa ah waa wiil ku Fiican Qadka dhexe, oo waxa uu leeyahay Darbo xoog leh, Baasaskana waa uu ku fiican yahay, Marka uu cali dheelayo Kooxda lagama badiyo oo isaga ayaa u keena Goolasha inta badan, Oo darbadiisa Lama Qaban karo. Waana Udub-dhexaadka Kooxda.

Cali waxa uu dhigtaa Iskuul, Waxa uuna Marayaa Fasalka 11aad (Form Three).

Canab iyo Cali waa Isku Xaafad Mana Is-yaqaanaan, Waana isku Fasal laakiin waa kala iskuul. Micnaha labo iskuul ayey kala dhigtaan..

Guddiga ay ku jirto Canab waxa ay soo qaban-qaabiyeen Barnaamij ah “Jiilka Maanta iyo Jiiilka Beri sida ay noloshooda Hormar u gaarsiin lahaayeen”

Canab waxa ay ka Mid tahay Kooxda Khudbadaha jeedin doona, Waxa ayna u hadli doontaa Jiilka Maantay hormarka ay ka gaareen Noloshooda.

Barnaamijkii ayaana la Bilaabay Maalintii la qorsheeyey ayuu bilawday, waxa uuna soconayaa Hal Maalin, Waxaana lagu qabanayaa Hoolka iskuulka ay dhigato Canab…

Canab ayaa lagu bilaabay Khudbad soo jeedinta.

Canab: “Naftaada oo aad gaarsiiso Hormar la taaban Karo waa Mid kaa dhigeysa in Noloshaada wada iftiimto, Jiilka Maanta waa kuwa ugu Hormar wanaagsan, Waayo Waxa ay ku talaabsadeen Hormar dhanka tiknolojiga, jiilka Beri waa kuwa Badali doona oo ay sii wadi doonaan Hormarka ay maantay gaarayaan Jiilka Maanta, Horta Hormar keliya ma ahan inaad Naftaada Hormariso, Hormarintu waa mid guud iyo Mid gaar ahaaneedba, Mida Guud waa Hormarka Dalka inaad Gacan ka geysato, Mida Gaar ahaaneedna waa Naftaada inaad Hormariso, Gunti iyo Gabo-Gabo Waxaan idiin leeyahay Ku dadaala Aqoonta si aad hormar u gaartaan, Akhri si aad u noqoto Aqoonyahay, Dhageyso si aad u Noqoto keydka Wararka, Daawo si aad u noqoto Muqaal hayaha”

Canab Hadalkeeda aad baa loogu Riyaaqay, Maamulaha iskuulka waa uu ka helay Ereyada Canab ee ay ku hadashay.

Xoogaa kadib

Maamulaha ayaa Barnaamijka Soo xiray, isaga oo Balanqaadyo sameeyey oona yiri; “Runti Dhalinta Maantay Joogta waa kuwo aad u Ahmiyad iyo wax soo saar leh, kuwa beri iyaguna waa ay kasii wanaagsanaan doonaan, Ee waxaan idiin Balanqaadayaa inaa Maantay arday Badan Iskuulka Lacagta sanadkaan loo cafiyey, oo ay ku dhiganayaan Si bilaash ah (Free ah), Canab iyo Kuwa hadalka soo jeediyey Sanadkaani Lacag la’aan ayey ku dhiganayaan, aniga ayaana go’aankaasi gaaray, Waadna ku mahadsantihii sida wacan oo aad inoo soo bandhigteen Wacyi-gelintiina”

Canab hadalka macalinka waa ay ku faraxday, kana soo tagtay iskuulka oo ay soo aaday Xaafadooda.

Canab marka ay xaafadda timid, ayey hooyadeeda iyo Aabbaheeda oo xilligaasi guriga wada joogaan u sheegtay in sanadkaani Lacag la’aan ku dhiganeyso iskuulka. Oo maamulka iskuulka ku abaal-mariyey Barnaamijkii ay maanta soo jeedisay.

Waalidiintuna waa ay ku farxeen Hadalka Canab ay u sheegtay…..

Canab iyo Guddiga iskuul waxa ay dardar-geliyeen Dadaalkooda wacyi-gelineed ee ardayda in hormar la gaarsiiyo..

Cali oo ah Laacib Kubbada Cagta ah ayaa loo doortay in uu Hogaamiyo Koox iskuulkiisa u mataleysa Tartanka Iskuulada Ee Gobolka, waxaana loo doortay Kabtanka Kooxdaasi…..

》 Maalmo kadibWaxaa bilawday Tartankii Iskuulada ee Kubbada Cagta, wareega

Koowaad ayaana bilawday, oo waxaa lagu daahfuray Iskuulka Cali iyo Iskuul kale.

Saddexley ayuu Dhaliyey Cali Laba Goolna waa uu caawiyey waxa ay ku Badiyeen Kooxda mataleysay iskuulkiisa. 5 iyo 2 ayey Ku badiyeen.

Cali Farxad awgeeda ayuu u dabaal-degay.

Taageerayaasha isla Durbadiiba Saadaaliyey Iskuulka Qaadayo Koobka. Waxa ayna u sadaaliyeen Iskuulka Cali Kabtanka u yahay, iyaga oo la dhacay Qaabka uu u dheelayo Iyo sida uu Goolasha u dhalinaayo.

Maamulaha Iskuulka Oo goobta joogay ayaa la dabaal-degay Ardaydiisa ee u mataleysa ciyaarista Tartanka iskuulada ee kubbada Cagta.

Cali iyo asxaabtiisa oo wada Faraxsan waa ay kasoo tageen Garoonka oo waxa ay sop aadeen Iskuulka si ay dharka iyo agabka (Qalabka) ay ku soo ciyaareen meesha u dhigaan..

Canab ayaa Maqashay Tartanka iskuulka in uu bilawday, oona soo baxay iskuul aad u qatar kaasi oo u ciyaara ciyaaryahan Qabiir ku ah Ciyaarta.

Canab iskuulkeeda waa uu ku jiraa Tartanka, waxa uuna dheeli doonaa maalinta Beri ah.

Canab waxa ay go’aansatay in ay soo daawado Ciyaartaasi.

》 Maalintii Xigtay Kulankii u dhaxeeyey Iskuulka Canab dhigato iyo Iskuulka kale waxaa

Badiyey Iskuulka ay Canab Dhigato.

Wareega Labaad waxaa isku soo haray dhawr iskuul, waxaana isku aaday iskuulka Canab ay dhigato iyo Iskuulka Cali uu dhigto. Waxa ayna Dheeli doonaan Kulanka ugu dambeya Wareegaasi.

Canab markale ayey go’aansatay in ay soo Daawado Ciyaartaasi.

》Maalmo ka dibWaxaa wada Ciyaaray Iskuulka Canab ay dhigato iyo Cali iskuulkiisa.

Waxaana Badiyey iskuulka uu Cali dhigto isagaana usoo saaray Sideed

Dhammaadka(Quater Final), oo waxa uu dhaliyey Labo Gool. Waxa ayna ku badiyeen 2 iyo 1….

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

1 thought on “Q1: “Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey” Sheeko

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *