Warbixin Xasaasi ah: Shukaansiga Qof Kugu Cusub: 3 Qodob oo Muhiim Ah

0

Weligaa ma isku aragtay dareen cabsi ah, walwal iyo xiiso isku jira oo aad dareento, marka aad xiriir la bilaabayso qof aad ka heshay adiga oo ka baqaya in aad ku fashilanto xiriirka, haddaba Kaligaa ma ahan, waa xaalad dad badani ay isku arkaan.

Walwalka xidhiidhka cusub waxa uu yareyn karaa farxaddaada, waxa uu keenaa cadaadis aan loo baahnayn. Hadaba si uusan kaaga fashilmin ama uusan kaa guuldareysanin xidhiidhkaaga cusub, waxa aan idinla wadaagayaa 3 qodob oo idin anfacaya marka uu ofka ku cusub yahay shukaansiga:.

Wixii tagey Haka hadlin:

In aad ka sheekayso xidhiidhadii hore ee kaa xumaaday xilliga shukaansiga qof kugu cusub, waa Qalad wayn oo lagu dhaco, iska ilaali in aad wax walba u sheegto qofka aad isku cusub tihiin, taas beddelkeeda sheekadaada iyo fikiradahaagu ha daaranaadaan sidii aad ku baran lahayd qofka aad hadda la haasaawayso. Xidhiidhadii hore sir hakuu ahaadaan.

Sida oo kale, ha weeydiinin su’aalo ku saabsan xidhiidhadii hore ee qofka aad la hadleyso.

U dhageyso si fiican:

Dhageysiga waa xirfad aysan dadka badankoodu aysan ku wanaagsanayn. Kolka qofka aad isku cusub tihiin aad dhegahaaga oo dhami aad u jiheysid xagiisa, waxa uu dareemayaa in aad u aragto qof muhiim ah oo aad tixgelinayso. Kolka aad u muujiso in aad doonayso in aad wax ka ogaato qofka uu yahay iyo waxa uu qabto, ma tusinayso oo keliya in aad danayso noloshiisa balse waxa ay dareensinaysaa in uu yahay qof khaas ah.

Si aad ah U fiirso calaamadaha cascas:

Haddii qofka cusub ee aad xidhiidh wadaag tihiin uu had iyo jeer ku dhaleeceeyo, balanta uu gooyo, ama aad ku qabato isaga oo been kuu sheegaya, ama aad aragto isaga si xun ula dhaqmaya dadka kale, ogoow uma qalmo in aad xiriirka la sii waddo. Qofku sidiisaba ma qarin karo noloshiisa dhabta ah, wuu isku deyi karaa inuu qariyo laakiin haddii aad tahay qof soo jeeda wax walba waad ogaan kartaa. Waxaana jira maahmaah Soomaaliyeed oo tiraahdaa “laafo aadan lahayn, lix tallaabo kuma gaarsiyaan”.

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *