Niyad Jab: 10 Xiddig Oo Arsenal Ah Oo Bar-Baro xilli damhe ah La Gashay Manchester City

0

kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa ku kala baxay bar-baro kulan waali ahaa oo ka dhacay garoonka Etihad kana tirsanaa horyaalka premier League.

Ciyaarta ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyadoo kooxda Manchester City ku qaadaysay Arsenal weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 9-aad ayay kooxda Man City dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga E. Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysay inay madaxa kor u qaado iyada oo daafac kaliya ku jirtay iyadoo Man City maamulaysay ciyaarta.

Laakiinse Waxaa Man City dhaawac uga baxay xiddiga Rodri oo ay muuqatay muhiimada uu u leeyahay kooxda.

Daqiiqadii 22-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxaana u dhaliyay daafaca R. Calafiori kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1 daqiiqad kadib markii Rodri ka baxay ciyaarta.

Kooxda Arsenal ayaa bilowday in ay ka faa’iidaysato qal-qalka ku yimid Man City sabab la xidhiidha Bixitaanka Rodri waxana ay qaadayeen weeraro.

Daqiiqadii 45aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxaana u dhaliyay xiddiga Gabriel ee daafaca uga ciyaara.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 45+8-aad kaarka cas looga saaray xiddiga L. Trossard kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.

Qaybtii dambe oo dhan Manchester City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiinse Arsenal ayaa si fiican u difaacatay.

Kooxda Arsenal ayaa dhinaceeda wax walba u samaysay sidii ay u difaacan lahayd goolka iyadoo doonaysay in ay gacanta ku dhigto 3-da dhibcood.

Manchester City ayaa sii waday rabitaankooda ah in ay dhaliyaan goolka bar-baraha iyagoo aan marna ka niyad jabin in ay soo laabtaan.

Daqiiqadii 90+7-aad ayay Manchester City dhalisay goolka bar-baraha waxaana goolka u dhaliyay daafaca J. Stones kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro kulan waali ahaa oo ka dhacay garoonka Etihad.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *