DEG-DEG: Ciyaaryahan ka tirsan kooxda Juventus oo ogolaaday ku biirista kooxda Liverpool

0

Ciyaarayahanka kooxda Juventus ee Federico Chiesa ayaa ogolaaday in uu ku biiro Kooxda Liverpool, siduu sheegay wariayaha arrimaha Suuqa ee Fabrizio Romano.

Ciyaaryahanka  reer Talyaani ayaa ku faraxsan suurtogalnimada uu ugu wareegi karo Hotyaalka Premier League.

Heshiiska ayaa la filayaa in la soo gaba-gabeeyo iyadoo aan wax dhibaato ah dhicin.

Gianluca-Di Marzio, si kastaba ha ahaatee, ayaa ku waramaya in F. Chiesa ‘ay qaadan doonto hal maalin oo dheeri ah ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya ka gaadhin mustaqbalkiisa.

Xiddiga ayaa dhanka kale lagu soo waramayaa inuu sugaayo kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa si kasta ha ahaatee ku dhibaatoon doonta inay bixiso mushaharka xiddiga.

Ciyaaryahanka reer Italy ayaa lagu heli karaa lacag qiimo ahaan dhan 15-milyan oo euro.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *