Barcelona Oo Badisay Kulankeedii 2-aa Oo Xriir ah \horyaalka La Liga

0

Kooxda Kubada Cagta ee Barcelona ayaa badisay kulankoodii 2-aad oo xiriiri ah horyaalka La Liga iyagoo ka badiyay kooxda Athletic Bilbao.

Kooxda Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka fiicnaa kooxda martida u ahayd kulan ka tirsanaa horyaalka Spain ee La Liga.

Daqiiqadii 24-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxaana u dhaliyay da’yarka cajiibka ah ee Lamine Yamal kaas oo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa.

Si kasta ha ahaatee Kooxda Athletic Bilbao ayaa dhalisay goolka bar-baraha daqiiqadii 42-aad ka hor dhamaadka qaybta hore ee ciyaarta oo sidaasi lagu kala maray Qeybta hore ee Ciyaarta.

Qaybta dame ayaa ku biaabatay mid ay koox walba doonayso inay dhaliso gool iyadoo sidii caadada ahayd Barcelona maamulayso ciyaarta.

Daqiiqadii 75aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad waxaana u dhaliyay Weeraryahanka reer Poland ee  Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Waxaa sidaas ku badisay Barcelona oo gaartay guushoodii 2-aad oo xiriir ah horyaalka la Liga.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *