Manchester United Oo Guul-darro Xanuun badan kala kulantay Kooxda Brighton

0

Mancheater United ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Brighton kulankoodii 1-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Manchester United aya la garaacay kadib kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa Horyaalka premier Legaue.

Kooxda Brighton ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca fursadaha xilli ay Manchester Unitd lafteedu heshay fursado dhawr ah.

Daqiiqadii 32-aad ayay kooxda  Brighton dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Danny Welbeck kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Manchester United ayaa isku dayday in ay dhaliso goolka bar-baraha waxana ay samaysay dadaalo badan oo ay ku doonayso gool.

Laakiinse waxa 1-0 ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Brighton ahayd kooxda fiican.

Qaybtii dambe ayay Manchester United si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay keenaan bar-baraha.

Manchester United ayaa daqiiqadii 60-aad dhalisay goolka bar-baraha waxaana u dhaliyay xiddiga Amad Dialo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Labada kooxood ayaa sii waday dadaal ay ku doonayeen goolal kale oo ay ciyaarta ka dhaliyaan.

Daqiiqadii 73aad ayay Manchester United dhalisay gool Laakiinse waxa diiday VAR Sabab la xidhiidha Offside.

Brighton aya wadnaha jartay taageerayaasha Manchester United iyagoo daqiiqadii 90+5-aad dhaliyay goolka 2aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas kusoo dhamaatay ciyaarta oo ay Manchester United la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *