Wolves ayaa rajo badan ka qabto lasoo saxiixashada goolhayaha kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale.

0

 

 

Dalabka, oo la gudbiyay Isniintii, waxaa ku jira ikhtiyaarka ah in guuritaanka laga dhigo mid joogto ah 2025.

Ramsdale, oo 26 jir ah, ayaa lumiyay booskiisa Arsenal 2023 ka dib markii David Raya uu amaah kaga yimid Brentford. Gunners ayaa tan iyo markaas si joogto ah ula soo wareegtay xidiga reer Spain Raya, Ramsdale ayaa loo taxaabay kursiga keedka ee Gunners.

Inkastoo uu saftay kaliya 11 kulan xilli ciyaareedkii hore, Ramsdale ayaa weli ka mid noqday xulka England ee Euro 2024.

Laakiin, ka dib markii uu Gunners kaga soo biiray Sheffield United 24 milyan ginni 2021 oo uu haysto laba sano oo uu ku sii socdo qandaraaskiisa, wuxuu doonayaa in uu helo saf joogta eh uu ku hormariyo kubadiisa una damaanad ka helo safashada xulkiisa England.

Ramsdale waxa uu ahaa bedel aan la isticmaalin iyadoo Arsenal ay guul ku furatay horyaalka Premier League oo ay 2-0 kaga badisay Wolves Sabtidii.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal Jose Sa ayaa ahaa dooqa koowaad ee Molineux tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Olympiakos 2021.

Ramsdale haduu ku biro Wolves ma dhaxli karaa booska joogtada ee wolves. fadlan aragtidaada noogula wadaag qeybta faalada hoose.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *