Manchester City Oo dhulka ku jiid-jiday Chelsea & Xaalka Blues Oo waxba iska badalin Sidii Xilli Ciyaareedkii Hore

0

Kooxda Kubada Cagta ee Manchester City ayaa guul ku bilaabatay difaacashada premier League iyagoo garaacay Kooxda Chelsea.

Xaalka Kooxda Chelsea ayaa ku bilowday siduu ku dhamaaday xilli ciyaareedkii hore iyada oo kooxdu aad u liidato.

Inkastoo uu is badal weyn ka dhacay uguna horeeyo tababaraha hadana KooxdA Chelsea ayaa ah chelsea-dii xilli ciyaareedkii hore.

Mancester City ayaa ku fiicnayd dhinaca weerarka iyada oo halis galinaysay daafaca Kooxda Blues kuwaas oo ku dhibaatooday in ay madaxa kor u qaadaan.

Daqiiqadii 18aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Xiddiga Erling Haaland kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Chelsea ayaa samaysay fursado wax ku ool ah laakiinse waxa ay ku dhibaatoonayeen in ay fursadaha gool u badalaan.

Qaybtii dambe ayay labada kooxood sii wadeen dadaalo kala duwan iyada oo koox walba doonaysay in ay dhaliso gool.

Daqiiqadii 84aad ayay Manchester City hurdo dheer u dirtay ciyaarta waxana gool 2-aad u dhaliyay Xiddiga Qadka dhexe ee Mateo Kovacic oo diiday in uu ku dabaal-dago kooxdiisii hore.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *