Hordhac: Chelsea Vs Man City: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Adag Ee Maanta

0

Kulanka ugu xiisaha iyo Xamaasada badan ee todobaadkaan premier League ayaa dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo Manchester City.

Labada kooxood ayaa dheeli doona kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkaan waxaana ay isha ku hayaan natiijo fiican.

Manchester City ayaa difaacashada horyaalka doonaysa in ay ku bilaabato guul isla markaasna garaacdo kooxda Chelsea.

Dhinaca kale Kooxda Chelsea oo soo qaadatay isku diyaarin liidata xilli ciyaareedka ayaa doonaysa in ay guul ku bilaabato xilli ciyaareedkaan.

Kulanka: Chelsea Vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30 PM

Garoonka: Stamford Bridge.

Kooxda Chelsea ayaa guul la’aan ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Manchester City tan ilaa guushii 2-1 ahayd ee ay ka gaartay bishii May 2021.

Tan ilaa markii ay guul-darro kala kulantay final-kii champions League 2021, Manchester City ayaan guul-daro kala kulmin chelsea 9-kii kulan ee ugu dambaysay.

Kooxda Chelsea ayaa ah kooxda dhibcaha ugu badan ka heshay kulamada fuirtaanka premier League iyagoo helay 67-dhibcood.

Waa markii ugu horaysay ee ay chelsea xilli ciyaareedka ku bilaabato kulan ay la ciyaarayso kooxda difaacanaysa horyaalka tan ilaa 1971/172 markaasoo ay guuldaro 3-0 ah kala kulantay Kooxda Arsenal.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *