Arsenal Oo Si layaab leh Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka, Walves Ayay Garaacday

0

Kooxda Kubada cagta ee Arsenal ayaa guul ka gaartay kooxda Wolves kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Emirates.

Kooxda Gunners ayaa ku bilaabatay guul muhiim ah iyada oo Muujisay In ay diyaar u tahay tartanka loogu jiro horyaalka premier League.

Kooxda Tababaraha reer spain ee Mikel Arteta ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado aan kala joogsi lahayn.

Kooxaha Arsenal ayaa Wolves ku qasabtay in ay samayso badbaadino cajiib ah iyagoo si joogto ah u samaynayay fursadaha.

Arsenal ayaa daqiiqadii 25aad dhalisay goolka 1aad waxana u dhaliyay K. Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay hogganka ku heysay Arsenal ahaydna kooxda fiican kaan awooda badan Wolves.

Qaybtii dambe ayay Kooxda Gunners ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh iyaga oo samaynayay fursado aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 74aad ayay Arsenald dhalisay goolka 2-aad waxaana u dhaliyay xiddiga reer England ee Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Arsenal gaartay guul muhiim ah horyaalka premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *