Manchester United Oo Guul Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka cusub ee Premier League

0

Kooxda Kubada Cagta ee Man united ayaa guul dirqi ah ku Bilaabatay xill Ciyaareedka cusub ee Premier League iyagoo Garaacay Fulham.

Ciyaarta ayay Manchester united ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta iyaga oo Ka awood badan kooxda Fulham.

Manchester United ayaa samaynaysay fursadaha ugu halista badan xilli ay Fulham ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.

Waxa bar- baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah Kal dhalin.

Qaybtii dambe ayey kooxda Fulham ku Bilaabatay Si dar-dar leh iyagoo ku qaadayay goosha kooxda Man united weeraro aan kala joogsi lahayn.

Labada kooxood ayaa sii waday fursadaha laakiinse waxay ku dhibaatoodeen inay goolal u badalaan.

Laakiinse daqiiqadii 87aad ayey Man united dhalisay goolka 1-aad ahna midka kaliya ee laga dhaliyey kulanka furitaanka Horyaalka, waxana u dhaliyay xiddiga dhawaan galka ah ee J. Zirkzee kaas oo hogaaanka u dhiibay kooxdiisa Man united.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *