Liverpool Oo Dar-Dargalinaysa Baacsiga Badalka Wataru Endo

0

Kooxda Kubadda cagta ee Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay “dardargelinayso” u dhaqaaqista ciyaaryahan khadka dhexe ee daafaca xagaagan iyada oo ay jirto xiisaha Wataru-Endo, sida laga soo xigtay warsidaha Football Insider.

Kooxda Reds ayaa diiday dalab uga yimid Marseille oo ku aadan Endo todobaadkii hore. Ciyaaryahanka reer Japan ayaa la keenay Anfield xagaagii hore ka dib markii ay ka tageen Jordan Henderson iyo Fabinho una dhaqaaqi waayeen M. Caicedo iyo Romeo-Lavia.

Sikastaba ha ahaatee, khabiirka khadka dhexe waligiis looma arkin xal mustaqbalka fog ah balse waxaa loo arkaa xiddig mustaqbalka dhaw ah.

Midka ay Liverpool u hesho xal macquul ah ayaa la arki doonaa. Kooxda Reds ayaan wali u dhaqaaqin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *