Trent Alexander Arnold Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Xilli Uu Xiiso Ka Helayo Real Madrid

0

Ciyaaryahanka daafaca ee u ciyaara Kooxda Liverpool ahna kabtan ku xigeenka Liverpool ee Trent Alexander Arnold ayaa go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa.

Xiddiga Trent Alexander Arnold ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Liverpool isagoo galay sanadkii uu dambeeyay ee heshiiskiisa Kooxda.

Xiddiga Trent Alexander Arnold ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid kuwaas oo xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer England.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay wargeyska The Sun xiddiga Trent Alexander Arnold ayaa go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa Kooxda.

Xiddhiga Trent Alexander Arnold ayaa go’aansaday in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Liverpool isla markaas heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *