DEG-DEG: Luka Modric oo Heshiiska Cusub u Saxiixay Real Madrid Ogow waxyaabaha uu helaayo

0

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in Modric uu u saxiixay heshiis cusub oo hal sano ah oo uu ku sii joogayo Garoonka Bernabeu, waxaana ciyaaryahanka khadka dhexe si rasmi ah loogu magacaabay kabtanka cusub ee kooxda Madrid.

Luka Modric ayaa bedelay Xiddigga Nacho oo ahaa kabtanka Real Madrid, iyada oo daafaca dhexe ee qibrada leh uu go’aansaday in uusan cusbooneysiin qandaraaskiisa si uu ugu dhaqaaqo koox ka ciyaarta Saudi Pro League ee Al Qadsiah.

Waxaa jiray hadal heyn baahsan oo ku saabsan mustaqbalka Xiddiga qadka dhexe ee Modric.

Kooxo ka kala socda Saudi Arabia iyo Waqooyiga Ameerika ayaa la rumeysan yahay in ay isku dayeen saxiixiisa Xiddigaan, laakiin 38 jirkaan ayaa doorbiday marwalba in uu qandaraaska u kordhiyo kooxda uu tababare ka yahay Carlo Ancelotti.

Kooxda Real Madrid ayaa haatan xaqiijisay in Luka Modric uu qalinka ku duugay heshiis waqti gaaban ah oo uu kula sii joogi doono kooxda.

Xiddiga reer Croatia waxa uu Real Marid kaga soo biiray Kooxda Tottenham Hotspur xagaagii 2012-kii, waxaana uu kooxda u matalay 534-jeer, isaga oo u dhaliyay 39 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 86 caawin.

Luka Modric ayaa ku guuleystay 4 horyaal oo La Liga ah, 2 Copa del Rey ah iyo 6 koob oo Champions League ah intii lagu guda jiray waayihiisa cajiibka ah ee caasimada Spain, waxa uuna haatan sii joogi doonaa ugu yaraan sanad kale.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *