Q2: Sheekada “QOOMAMO JACEYL”

0

Xasuusin Qeybtii hore Sheekada, Safiyo oo lambar midkeeda aheyn u qortay Jamaal, isaguna wuu wacay waxaana ka qabatay Safiyo walaasheyda, walow ay labada hadal oo kala duwan ku dhahday, ayaa isku yiri, waan ogaan doonaa waxa jira ee sababay labada hadal kala duwan iyo codka aan maqlay oo uusan aheyn safiyo.

:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

>> Toddobo maalimood kadib

 

Jamaal oo markale wacin lambarka Safiyo u qortay, ayaa isaga oo jooga garoon uu ciyaar ka daawanaayey, waxaa laga soo wacay Teleefoonkii ay safiyo u qortay, inta uu ka qabtay ayuu salaamay marka koowaad, waa uu xaal-wareystay.

 

Hibo oo ah gabadha leh teleefoonka oona ah Safiyo walaasheeda ayaa ku tidhi Jamaal: “Wiiloow horta waan kaa raali-gelinayaa walaasheyda waxa ay kuugu sameysay, balse waxaan ku dhihi lahaay inantaasi kuma rabtee iska dhaaf oo xidhiidh kale ayey leedahay”.

 

Jamaal oo iska dhigay qof aan maqleynin codkeeda, ayu uku dhahay: “Waxba kaama maqlo oo waxaan joogaa Garoon lagu ciyaaro Kuba doo aan ka daawanaayo, markale inooga dhig”, kadib wuu ku jaray/Damiyey.

 

Jamaal kolka uu ku jaray teleefoonka kadib ayuu isku yidhi: “Maxay I tidhi, kuma jecla oo xidhiidh kale ayey leedahay, inantaasi anigaa ishaartay, kama haraayo waa inaa u dabciyaa oo aan ka dhaafaa hadalada badan, isbuucii mar waa inaa la kulmaa si aan u xiiso galiyo muuqalkeyga iyo codkeyuba”.

 

“”Xiriirka Jaceyl asalkiisa waxaa dhisa ama uu ka imaadaa hal qof, kadib ayuu labo noqdaa oo midka kale iskula midowbaan Rabitaanka Jacey lee dareenka la xiriira”.

 

“”””Ruux aad xiriir wadaag tihiin haddii qof wax ka sheego ama u uku rufiyaanimo ahaan war kuugu keeno, ha ku deg-degin illaa aad indhahaaga kusoo aragtid”.

 

Saacado kadib ahna xilli Habeen

 

Jamaal iyo wilal asxaabtiisa oo isla socdaan ayey soo ag-mareen Halka ay caanaha ku iibiso Safiyo Hooyadeeda, waqtiga ay soo mareena waa waqti ay caanaha la wada dhameeyey, Caagadaha caanaha laga dhameeyey oo rabaan in ay qaadaan Safiyo iyo Hooyadeeda, ayaa Hooyada aragtay Jamaal, kuna tidhi Jamaal kaalaya adiga iyo Wiilasha ina caawiya oo Caagadaha nala geeya halkaasi oo waxaan sugayaa gaari inoo imaanaya”.

 

Jamaal iyo wiilasha caagadihii ayey qaadeen oo geeyeen Meesha la dhigaayey, Jamaal oo iska mashquulinaya in uu la hadlo, waxaa si uusan filaneynin hor istaagtay Safiyo, kuna tidhi: “wiilasha asxaabtaada ah waa ay ila hadleene maxaad ila hadli weysay”.

 

Jamaal ayaa ku dhahay: “Aniga lama hadlo gabdhaha beenta badan”. Waana ka tagay.

 

Safiyo afkii ayaa Juqda gabay oo waa ay u jawaabi weyday marka u uku dhahay Hadalkaasi Jamaal…

 

Saacado kadib ahna xilli Habeen, Safiyo oo rabta in ay seexato, sariirta ay saran tahay, waxaa maankeeda kusoo dhacay Hadalkii ay dhahday walaasheeda oo ah wiilkaasi waad xumeysay, sidoo kale hadalkii u uku dhahay Jamaal ee ahaa waxaad tahay gabadh been badan, xoogaa fikir kadib, Safiyo go’aansatay in ay raadiso sidii ay ula hadli laheyd Jamaal oo ay u raaali gelin laheyd.

 

>> Maalintii Xigtay

 

Safiyo inta aysan aadin goobta ay caanaha ku iibiso Hooyadeeda, waxa ay aaday Guriga walaasheyda, kadib waxa ay kasoo qoratay Lambarka Jamaal si ay ula hadasho, waa ay kasoo tagtay guriga walaasheeda, inta ay waddada mareysay ayey wacday Jamaal, balse waa uu ka qaban waayey, ilaa afar mar ayey wacday wuuna ka qaban waayey, Safiyo waxa ay aaday guriga, kadib waxa ay qaatay caanaha ay Hooyadeeda uga tagtay guriga, waa ayna ka tagtay guriga oo ay aaday dhanka goobta shaqada…

 

Waqtigu waa isla waqtigii ugu horeeyey ee ay is-arkaayeen Jamaal iyo Safiyo, isla waddadii ayey mareysay Safiyo, iyada oo socota nasiib wanaag waxa ay aragtay Jamaal oo soo socda kana dambeeya, inta ay xoogaa istaagtay ayey is-tidhi: “Bal aan sugo si aan ula hadlo”. Waxa ay sugtaaba, Jamaal wuxuu kasoo qaaday qof uusan garaneynin wuu ag-maray, markasi kadib ayey ka daba tidhi: “Jamaal waxba ma aragtid miyaa adigaan kuu istaagay xitaa ilama hadleysid miyaana?”.

 

Jamaal: “Qiimeynii koowaad ayaad ku dhacday, marka ma qiimeyn kale ayaan sameynayaa, waayo wixii aan kaa filanaayey ila noqon weyday”.

 

Safiyo: “Waan ogahay inaa Khalad kaa galay, waxaan diyaar u ahay inaa ku raali geliyo, Lambarkayga saxda ahna waa kan u dambeeya 05 oo aan kusoo wacay afar jeer, calaa kuli xaal waaan kuu dhameeyey, inaa isoo waci doontidna waan rajeynayaa”, kadib waa ay ka tagtay, isaguna wuu iska baxay isaga oo aan u jawaabin..

 

Saacado kadib, Safiyo oo sugeysay wacitaanka Jamaal, ayeysan helin wax wacitaankiisa, xilli caweys ahna ay tahay, dabadeed ayey wacday, waana laga qabtay, waxaana ka qabatay Gabadha ay ilmo habaryarta yihiin Jamaal oo la dhaho Kowsar, waxa ayna ku tidhi: “Abaayo lambarka wuu kaa qaldan yahay, mana lahan wiilka aad sheekeysid ee isa sax”.

 

Safiyo: “Lambarkaan dhowr mar ayaan soo wacay maantay, waana mid uu iga soo waci jiray Jamaal, marka abaayo adiga oo mahadsan igu dhiib lambarka wiilka”.

 

Kowsar: “Dulqaad ayaan kuu sameynayaa weli, marka walaaley wiilkaasi ma garanaayi ee raadso, laga yaabe in uu kusoo siiyey lambar qaldan ama aad wax ka qalday”.

 

Safiyo: “Waad mahadsan tahay abaayo, igana raali noqo”.

 

Kowsar adigaa mudan ayey tidhi, dabadeed inta ay ku damisay teleefoonka, ayey u tagtay Jamaal oo keligiisa daawanaayey Telefishinka, waxa ayna ku tidhi: “Wariyaa maxaa gabadha sidaan ugu galeysaa, maad la hadashid”.

 

Jamaal: “Laga bartaa laga badiyaa, waxa ay igu sameysay ayaan aniguna ku sameynayaa, mar kalena sooma waci doonto”.

 

Kowsar: “Yaah!, walaalow goormee sheekadaan bilowday waa adiga uu jilcanaa gabdhaha dhankooda, sababtoo ah waxaad tahay wiil aftahan ah”.

 

Jamaal: “Waxaasi iyada u sabab ah, mideeda kale waad I garaneysaa gadhaha inaa jeclahay oo aanan rabin inaa dhibaateeyo, balse midaani iyada ayaa qaali iska dhigtay, weliba iska gey dhigtay qof aanba la rabin, marka ha cararto ee iska dhaaf”

 

Kowsar: “Gabadhaani sida ay kuu raadineyso, hadhowdii amaad ka qoomameysaa, waxa aad hadda sameyneysid”.

 

Jamaal: “Kama qoomameyneeyo ee iyadaa ka qoomameyneyso, marka waxaasi iska dhaaf aniguna aan kaa daaado filimka”.

 

Kowsar haye ayey tidhi, inta ay siisay teleefoonkiisa ayey qolka gabdhaha iska aaday..

 

>> Dhanka kale

 

Jamaal Habaryartiisa Canab iyo Ninkeeda oo isla sheekeysteen ayaa isla meel dhigeen in la isku guuriyo Jamaal iyo Kowsar, waayo yaraantooda ayaaba la isa siiyey, taasina waxa ay ka ballanqaadeen Jamaal Hooyadiisa inta ay nooleed, walow uusan warba ka heynin Jamaal aabbihiisa, kaasi oo kasoo qaaday in uusan dhalin.

 

Kowsar aabbaheeda ayaa ku dhahay Canab: “Haye Xaajiyo, side la isku guurin karaa, waayo lama hayo Jamaal aabbihiisa, xitaa lambaradisii wuu iska badalay, sidaan maqlay wuxuu ku nool yahay Waddanka Biljimka, xilli uu baxay iyo xilli kaleba kama warhayo oo waxaa ii sheegay wiil ay asxaabo yihiin, aan ku weydiiye war maka heysaa awoowaha iyo adeerayaasha Jamaal”.

 

Kowasar Hooyadeeda: “Haa waan ka warhayaa oo waxaa maalin dhaweyd isla hadalnay wiil ay isla dhashteen Jamaal aabbihiisa, wuxuu ii sheegay Jaamaal aabbihiisa in u uku nool yahay biljimka, weliba loo dhalay Gabadh iyo wiil, halkaasi ayu uku nool yahay, weligiisa lagama maqlin magaca Jamaal ama wiilka curudkiisa,  marka adeerkaasi ayaa u jooga o wakil noqon kara, maadaama lala wareegay aabbihiisa”.

 

Kowsar Aabbaheeda: “Adeerkaasi halkee ayu uku nool yahay isaguna”.

 

Kowsar Hooyadeeda: “Wuxuu ku nool yahay Waddanka Kenya, waan imaanayaa ayuu dhahay, marka goormee ka dhignaa waqtiga aan isku guurino labadaan ilmo”.

 

Kowsar aabbaheeda: “Sida ula socotidba Kowsar hamigeedu waxaa waaye in ay Jaamacadda marka ay dhameyso in ay guursato, halka Jamaalna uusan waxaasi kasoo jeedin oo uu amr walba igu dhaho, Abti waxaan jeclahay inaa Noqdo Qof isku filan, waxa aad igu dadaasheena aad heshiin nacfigeeda micnaha miraheeda, marka labadooduba waa labo qof oo kal hami leh, horta aniga Jamaal arrimihiisa gaarka ah kalama hadlo oo waxa uu mar walba igaga sheegeeyaa Waxa uu rajeynaayo in uu noqdo Mustaqbalka ee adiga makaaga sheekeysaa Kowsar Nolosheeda gaarka ah”.

 

Kowsar Hooyadeeda: “Habeen dhexdaasi ayaan mar wada sheekeysanay, waxaana weydiiyey in ay leedahay Xidhiidh iyo inkale, anigaba gabdhaha saaxiibo ayaanu nahay, waxba igama qariyaan, waxa ayna ii sheegtay in ay laheyd xidhiidh jaceyl, ayna jecleyd wiil ay isku fasal ahaayeen, isku dhac iyo dhab ahaansho dhanka wiilka oo xiriirka ka socon waayey, ugu dambeyntii waa uu burburay ayey igu tidhi, Kowasar waan ka dareemay in uu isbadal ku yimid, waayo waxa ay ahaanjirtay gabadh teleefoonka mar walba ku mashquulsan, xitaa habeenada qaar ayey dhafri jirtay, balse dhafarkii waa ay iska dhaaftay, teleefoonkeeduna waxaa iska wata Wiilasha yaryar oo ku ciyaaraan game, mararka qaar teleefoonka oo iska dansan ayey iskaga daaaneysa telefishinka, iyaduna waxa ay noqotay mar ay wax diyaarsaneyso, mar ay shaqo heyso iyo mar ay daawaneyso telefishin”.

 

Kowsar Aabbaheeda: “Waa arrin u fiican Kowsar isbadalkaasi, aniguba waan arkay oo jirkeeda xitaa wuu isbadalay, dhafarka wuxuu dilaa muuqaalka qofka, Jamaal waxa ay ila tahay in uusan laheyn xidhiidh waayo waa laga dareemi lahaa, guriga wuxuu inta badan ka maqan yahay xilliyo gaaban, mar uu aadayo ciyaar, mar uu asxaabtiisa kula casriyeenaayo maqaaxida laamiga ku taal iyo mar uu jaamacada aado waayo, xitaa ma’ahan wiilasha meelaha dalxiiska aada, mana dhafro oo sidaan ku arko waa wiil xilli hore seexda, bal waan ogaan doonaa wixii u qarsan Jamaal, balse balanta Hooyadiisa waa inaa oofinaa oo aheyd in la isa siiyo isaga iyo gabadheena Kowsar”.

 

Kowsar Aabbaheeda iyo Hooyadeeda sidaasi ayey ku heshiiyeen.

 

>> Maalintii xigtay, Jamaal ayaa bilaabay in uu waddo badashado, Jaamacadda marka uu aadayo iyo marku ka imaanayaba waddo kale in uu maro ayuu bilaabay.

 

Saacado kadib ahna Watigii ay horay isku arkeen Jamaal iyo Safiyo, ayaa waddadii soo martay Safiyo si ay u aragto Jamaal, balse nasiib uma yeelanin, kadib ayey caanaha geysay Guriga.

 

>> Toddobo maalimood kadib

 

 

Safiyo oo dhowr maalin waddada martay si ay ugu aragto Jamaal ayeysan ku arkay waddada, waxa ayna is-weydiisay sababta loo arki la’ayahay Jamaal.

 

Sidoo kale waxaa burburay Xidhiidhkii Jacey lee ay wada lahaayeen Safiyo iyo wiilkii kale ee ay la socotay, sababtuna waxa ay noqotay, Safiyo oo isbadal ku yimid maadaama ay ku mashquulsan tahay sidii ay ula kulmi laheyd Jamaal, mar walbana ay raadiso.

 

>> Maalin jimco ah, Jamaal oo kasoo qeybgalay Xaflad loo dhigaayey xildhibaan beeshiisa, ayaa si lama filaan ah isku arkeen Safiyo oo iyaduna kasoo qeybgashay Xafladda.

 

Safiyo marka ay aragtay kadib ku tidhi: “Jamaal ii waran, mudo ku raadinaayey”…

 

Jamaal oo xoogaa amusnaay ayaa kadib ku dhahay: “Waan wanaagsanahay, waana ka xumahay Safiyo, maalmahaan iska mashquulsanaay ee si kale ma jirin, laakiin inta maxaa ku keenay mise reer tolka ayaad tahay”.

 

Safiyo: “Haa dhib malahan, waxaan rajeynayaa in aad kasoo baxday mashquulka, Halkaanina waxaan u imido o aan soo raacay gabadh aan saaxiibo nahay oo igu tidhi I wehli”.

 

Jamaal: “Malaha gabadhaasi waa inan aan garanaayo, ma I bari kartaana”.

 

Safiyo oo xoogaa yar isla hadashay ayaa ku tidhi: “Wiilkaani haddii aan baro, wuuba jeclaanayaa Saaxiibadeyda, waayo waa gabadh soo jiidasho leh, hadalo macaana ku hadasha”, isla hadal kadib ayey ku tidhi: “Haye waa taasi inanta aan kuu sheegayo”.

 

Jamaal inta uu eegay ayuu kadib ku dhahay Safiyo: “Wax kale miyaa ii sheegeysaa mise Qaali Qurux, waa inan aan garanaayo weliba aan isku iskuul ahaan, waxaanu nahay asxaab aan isku fiicanahay, walow ay ka guurtay xaafadda ay degan tahay oo meel kale ayey u guurtay”.

 

Safiyo oo markale isla hadashay ayaa isku tidhi: “Waaba is-garanayaan, inantaan ee Qaali waaba inan suuqa soo jabsatay haddiiba asxaabo yihiin Jamaal”, isla hadal kadib ayey ku tidhi: “Waa arrin fiican, ka gudubee, inaa kula yar hadlo si gooni ah ayaan rabay ee fursad ma ii heli kartaana”.

 

Jamaal: “Haddaba ina mari, aniga xafladaani waanba ku caajisay”.

 

Safiyo iyo Jamaal waxa ay ka baxeen Hoolkao o ay fadhiisteen qeybta Makhaaxida ee Hoteelka, halkaasi ayey sheeko ku qabsadeen, Safiyo ayaana ku tidhi: “Jamaal waan la socdaa inaa khalad kaa galay, taasi macnaheedu ma’ahan inaa ku jawaabtid isla khaladkii oo kale, haddana uma imaanin ama halkaani kuuguma yeerin inaa waxaasi kuugu qabsado ee waxaan kuugu yeeray inaa kaa xaal-mariyo wixii aan kuugu sameeyey, nolol wanaagsana aan kula bilaabo”.

 

Jamaal: “Xaal-marinta iyo Nolosha aad ila wadaageysid maxaa waaye walaaley weli kuma fahminee”.

 

Safiyo: “Horta aboowe waxaan lambarka walaasheyda kuu siiyey ayaa aheyd inaa arko inaa I rabtid, markii aan ogaaday kadibna aan kusoo raadiyey isla waddadii ayaad martay, in badan oo kusoo raadiyey, xitaa waddadii aan isku arki jirnay kuuma arkin, galab walba adigaa kaa eegi jiray, calaa kuli xaal Habeen iyo Maalinba adigaa kaa fikarayaaye iga aqbal jaceylka aan kuu qabo, Jamaaloow Fursadaan oo kale ima soo mareyso, waana ku jeclahay”.

 

Jamaal oo xoogaa aamusnaay ayaa ku dhahay: “Safiyo, kawaran haddii aan ku dhaho xidhiidh kale leeyahay maxaad sameyneysaaa?”.

 

Safiyo: “Muhiimadu waa adiga wixii aad I dhahdid, micnaha haddii aad I dhahdid aniga xidhiidh kale leeyahay oo kaama aqbali karo jaceylkaaga, waan ogolahay, amaba waxaad I dhihi kartaa labeeye noqo, laga yaabe inaa aniga noqdo qofkii saxda ahaa ee kuu habboonaa amaba aan noqon waayba, marka waa kaasi labadaasi mid uun waad I dhihi kartaa”.

 

Jamaal oo yar dhoola-cadeeyey ayaa kadib ku yidhi: “Walaaley aaway xidhiidhkii kale ee aad laheyd”.

 

Safiyo: “Kaasi waxa uu burburay markii aan adiga ku jeclaaday, raadintaadii ayaanba ku mashquulay, kadib waanba iska jaray xidhiidhkaasi, Haddaba waxaan kaa sugayaa Jawaabtaada ee meer-meerinta naga xidh walaalow”.

 

Jamaal isaga oo uusan u jawaabin ayuu u dhiibay Waraaq uu u qoray iyada hadda kahor oo rabay in uu u dhiibo, kadib wuu ka tagay.

 

Safiyo oo Meesha ku hartay ayaa waraaqada kala furtay, kadib ayey akhrinta bilowday, waxa ku qorneyd sidaan:

“Waan ku salaamay Marka koowaad, sallaan kadib Safiyooy Eegamadii ugu horreysay ayaanba ku jeclaaday oo harsi ii diiday quruxdaada iyo sida aad u dhaqmeysid oo aan arkay aadna leedahay Habdhaqankii Hooyadeydii Macaan alle ha u naxriistee, Qoraal badan kuuma soo qorin Waraaqadaan, waxaan keliya kuu cadeynayaa inaa Ku jeclaaday, waxaana kaa sugayaa in aad iga aqbali doontid, Nolosheydii ayaad tahayee, nolol macaan aan isla wadaagno oo iga aqbal jaceylka aan keliga ku ahay”..

 

Safiyo marka ay akhrisay ayey sidoo aragtay waqtiga uu qoray waraaqada oo dhinac uga qoran tahay, dabadeed ayey isku tidhi: “War illeyn Jaceylka isagaa igaga horreeyey, maan dareemin runti oo waxaanba u heystay wiil I dhibaya, calaa kuli xaal hadda labadeenuba waan isku baahanahay waa inaa la hadlaa”..

 

Safiyo oo kici rabta, waxaa u imaaday Jamaal, kadib ku dhahay: “Haye ma akhrisatay waraaqadda”.

 

Safiyo: “Haa laakiin maxaad mar hore ii sheegi weyday dhibka keligaa isku keli yeeshay”.

 

Jamaal: “Taasi waxaa ila muuqatay inaadan usoo jeedin, hadda haddii aad usoo jeesatay waan kula raacsanahay inaa sameysano xidhiidh Jaceyl”.

 

Safiyo: “Wadajirkeenna hawaaro weligiisa, allena ha u naxriisto Hooyo, waxaana rajeynayaa inaa wanaag isla socon doono insha allah”.

 

Jamaal: “Aaamiin, Inshaa allaah waan sida aad sheegtay”. Ugu dambeyntii halkaasi waxaa ka bilowday xidhiidhka jaceyl ee Jamaal iyo Safiyo..

 

La soco Qeybta xigta iyo Habeen dambe Insha allah

 

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *