Q1: Sheekada “QOOMAMO JACEYL”

0

Hordhac

Sheekadaani waa mid dhab ah oo ka dhacday dalkeenna Soomaaliya, waana mid ka hadleysa Shalaay ama ka qoomameyn jaceyl oo ku dhacday Gabadh ka mid ah gabdhaha ku nool waddankeenna, waa mid taabaneysa dhallinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada, badaana waa ay ka dhex dhacaan qisadaan oo kale, haddaba gabadha qisadaan ku dhacday oo aanu qarinay magaceeda iyo halka ay ku nooshahay ayaa uga sheekeysay qoraaga Sheekadaan, waxaana qallinka u qaatay Qoraaga Sheekooyinka ee Cabdinaasir Cabdullaahi Cismaan eek u Caan baxay (ASAD SIMBA LOVED), Magacyada labada lamaane waa Safiyo iyo Jamaal, waxa ayna soo geli doontaa Habeen walba marka ay saacadu tahay 09:00-PM Xilliga geeska afrika, isla socod wanaagsan Inshaa allah.. Waxa ayna ku bilaabaneysaa Sidaan:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

 

Safiyo waa gabadh kasoo jeeda reer xoola dhaqato ah, iyadu dhexda ayey uga hartay waxbarashada iyada oo mareysa fasalka Sideedaad ee Dugsi dhexe, waxa ay caano la iibisaa Hooyadeeda oo magaalada caano ku iibisa, reerkeedu waa reer caan ka ah magaalada, aabbaheedu waa iibiye xoolo ama seelada xoolaha lagu iibiyo ayuu ka shaqeeyaa..

 

Jamaal waa wiil isaguna uu jaamacad dhawaan ku biiray, waxa uuna bartaa Maareynta iyo Dhaqaalaha ama Business administration, waxa uu ka dhashtay reer noloshoodu iska meel dhaxaad tahay, Hooyadiisa waa ay dhimatay isaga oo yar, waxa uu la noolyahay Habaryartiisa, halka aabbihiisa uu ka tagay kadib markii uu naag kale guursaday…

 

Maalin maalmaha kadib, Jamaal oo jaamacadda ka imid una sii socda gurigooda, waxa uu waddada ku arkay gabadh aad u qurux badan indhihiisuna ayba ka leexan waayeen Qaab-dhismeedkeeda oo wacan iyo quruxdeeda, waxa ayna wadatay Jirkaan yar ama caag yar oo caano ku jiraaan,  xoogaa inta u uku mashquuly ayuu kadib u tagay oo ku yidhi: Walaasheyda waxaan kaa dareemayaa in aad qaadi la’dahay ee ma ku caawin karaana?”

 

Gabadha oo ah safiyo ayaa ku tidhi: “Aboowe waad mahadsan tahay, halkaasi ayaan u wadaa”

 

Jamaal ayaa markale ku yidhi: “Aniguba halkaasi u socdaa, laakiin aan ku weydiiye maamada caanaha halkaasi ku iibisa Hoyadaada miyaana?”

 

Safiyo: “Haa laakiin, maxaa ii weydiisay?”

 

Jamaal: “Halka ay caano ku iibiso waddada hormarta ayaa gurigeenna ku yaalaa, aniga badanaa waddadaani masoo aado keliya waxaan soo aadaa marka aan jaamacadda aadayo, inta kale waddooyinka kale isaka maraa oo dhankaasi ayaan asxaabteyda u badan yihiin, ka gudub ma isbaran karnaa”.

 

Safiyo: “Yarka deg-deg badnidaa, haddana waan imid goobta yeysan Hooyo ku arkin, hadhowdii haddii wax lagu yeeleeyo adigaa isku keentay”.

 

Jamaal: “Waa isak caadi e eina mari Hooyo waan sii salaamayaa, waayo gabdhaha walaasheyda ayaaba Caano ka qaataan”. Dood kadib Jamaal iyo Safiyo waa ay tageen goobta.

 

Safiyo Hooyadeeda ayaa tidhi: “Safiyo yuu inoo ahaa wiilkaan kula socday”.

 

Jamaal ayaa ku dhahay: “Hooyo waxaa Habaryar ii ah Khadiijo iyo Kowsar Hooyadooda”.

 

Hooyada: “Ma iska key dhahdid Canab ayaa Habaryar ii ah, haye wiilkeygoow soo dhawoow”.

 

Jamaal: “Hooyo laakiin Safiyo inaa caawiyo waa iga diiday, waxaan rabay inaa caanaha usoo qaado”.

 

Hooyada: “Safiyo dabeecadeeda ayaa sidaan ah, ma jecla in laga caawiyo wax ay qabaneyso, hadda waa ay ku garatay ee markale caawin doontaa”.

 

Jamaal ugu dambeyntii wuu macsalaameeyey Safiyo Hooyadeeda wuuna ka tagay oo uu aaday gurigooda..

 

Jamaal marka uu tagay guriga, waxaaba lagu soo dhaweeyey biyo qabow oo wejiga looga shubay, waxaana uga shubtay Kowsar, waayo sharci waxaa u yaala oo iyaga dejisteen ama ay qorteen, kaasi oo ah qofkii guriga imaadaba in wejiga biyo qabow looga shubo, nasiib wanaag Jamaal  buugaagta biyaha kama gaarin, inta uu buugaagta meel saartay ayuu isaguna biyo qabow soo qaatay siu u ugu shubo Kowsar, marka uu soo qaatayba waa uu bursaday Kowsar oo u carartay dhanka Hooyadeeda, sida uu u bursanaayey ayey isla tageen Hooyadii oo jikada ku jirta, inta ay qososhay Hooyada ayey ku tidhi Jamaal: “Jamaal Hooyow maad iska dhaaftid waa ay kaa aarsatayee”.

 

Jamaal: “Maantay adiga u dhaafay Hooyo, laakiin mar dambe yeysan kuugu soo ordin, horta waan kuluaay oo wejiga ayey iga qabowjisay, balankana waxa ay aheyd in aan ka aarsado aniguna balse adigaa iga celisay”.

 

Hooyada: “Ilmaheygow alle ha idin xafido runti farxadiina waa ii farxadeyda, mar walba oo is-qab-qabsatiin waanba ku farxaa waayo yaraanteydii ayaan soo xasuusaty oo aan ciyaari jiray, ciyaar wanaag oo waxba la isku dhufaneynin ama dhibaato la is-gaarsiineynin waa mid wanaagsan, ka gudubee, Jamaal kawaran maantay Jaamcadaada, waan arkaa inaa hadda weynaatay”.

 

Jamaal: “Hooyo maya ma weynaanin, keliya aqoonta lee sii siyaaday, waayo waxaad ii muujisay garab istaag aan la gudi Karin, runti Hooyooy wax walba oo aan ahay adigaa ii ah, hadda waan nasanayaa oo ciyaar kubad baan leeyahay, caawa inoo balan ah oo wada sheekeysan doonaa”.

 

Khadiijo: “Jamaalow adiga mar walba Ciyaar lee aadeysaa, hal maalin kama nasan kartid miyaana”

 

Jamaal: “Adiguba hal maalin ama hal habeen ma iska dhaafi kartaa Musalsalaadka aad daawaneysid, marka waa sidaasi oo kale ciyaarista kubadda walaaley”…

 

Saacado kadib ahna xilli dambe oo habeen, Jamaal oo hurda, waxaa marar badan kusoo dhacay maskaxfiisa Muuqaalka Safiyo, sidoo kale hadaladii ay is-dhaheen ayuuba ku riyooda, kadib huradii ayuu kasoo kacay, inta uu qolka ka baxay ayuu soo weyso qaatay, kadib uu tukaday labo rakco oo salaada ah, kadiba yuu isku yidhi: “illaahiyoow riyada aan ku riyooday dhab ka dhig, Gabadhii aan arkay waa gabadh karti leh oo isku filan, markaan arkay sida ay u shaqeysaneyso waxaan soo xasuustay Hooyadeyda oo kale, waayo Hooyadeyda aniga oo yar ayaan u raaci jiray shaqada oo ay ka shaqeysan jirtay, balse aloe adigaa iga jeclaaday, markaanina waxaan ku weydiisanayaa in aad iga dhabeysid riyada aan arkay caawa”,,, waxa uu iska masaxay ama iska tirtiray illinta, maadaama uu soo xasuustay Hooyadiisa Macaan, kadib waa u uku laabtay Huradada….

“””””Allow waalidiinteenna Janatul firdows ku abaal mari ma gudi akrno abaalkooda”… Aaamiin.

 

 

>> Maalintii xigtay Jamaal  oo u qorsheysanaa in uu la kulmo ama uu waddada ku arko Safiyo, ayeysan u suurto-galin, waayo waxaa wadeen asxaabtiisa iskuulka oo ay isku jaamacad yihiin, waxayna aadeen Guriga macallinkoodii Carabiga iyo Tarbiyaha oo Xanuunsan, si ay usoo duceeyaan una geeyaan Lacag ay iska aruuriyeen, ugu dambeyntii waa ay tageen Guriga macallinkooda, waa ay salaameen, kadib waa ay qur’aan saareen waa ayna u duceeyeen, sidoo kale lacagtii ay iska soo aruuriyeen ayey u geeyeen, waxa ayna ku dhaheen: “Macallin alle haku caafiyo, waana kaa war qabi doonaa insha allaah”.. saacado kadib waa ay ka tageen guriga macallinka, dabadeedna waa ay is-macsalameeyeen…

 

::::”Booqashada Macallimiintaada waa mid wanaagsan una wanaagsan Horumarkaaga ee Macallimiinta yaan la hilmaamin””

 

Jamaal waxa uu socdaaba wuxuu tagay Gurigooda, waxaa albaabka ka furtay Habaryartiisa, una sheegtay in ay u socdaan aroos , gurigana ay joogaan isaga iyo wiilasha.

 

Jamaal: “Hooyo arooska wiilasha aan looga baahneyn ee aad mar walba aadiin waa maxay?”

 

Habaryarta: “Dirac iyo Xijaab soo xirta kadib waad aadeysiin, waayo aroosyada xilliyadaan oo kale waxaa aada dumarka oo waxaa la ciyaarayaa Baraanbur, haddii aad ciyaareysiin waa idin wadayaa”.

 

Jamaal: “Hooyo sidaasi ha oranin ka daa, waan la socday ee iska kaftamaayey, arooska qeybta ragga waa subaxdii oo Meherka ayey xaadiraan oo wax ka qaataan Sooriyada, marka waanu joogeynaa soo abashaala”.

 

Habaryarta: “Mar aan soo kacay xalay waxaan ku arkaayey adiga oo halkaasi fadhiya xilli dambe, wax dhib ah miyaa jira, weligeyga kuma arkin adiga oo xilli dambe soo kaca”.

 

Jamaal: “Hooyo ayaa soo xasuustay waa intaasi uun”.

 

Habaryarta: “Alle ha u naxriisto walasheyda, laakiin weligaa ma ku arkin adiga oo sidaasi ugu fikiraya wax dhibaato ah oo kuugu kalifay miyaa jirta”.

 

Jamaal: “aaamiin, laakiin Maya Habo, wax dhibaato ah ma jirto, laakiin waxaa igu kaliftay gabadh aan waddada ku arkay oo leh dabeecadda Hooyadeyda oo kale, sidaasi ayaan xalay usoo xasuustay Hooyo”.

 

Habaryarta: “Gabadhaasi yey inoo aheyd ee aad soo aragtay?”

 

Jamaal: “Hooyo gabadhaasi shalay lee arkay oo waxa ay mareysay waddada, waxaan arkay iyada oo wax culus wadata, inaa caawiyo weydiiyey balse iga diiday”.

 

Habaryarta: “Haa waa sida walasheydii oo kale, ka gudubee, wiilkeygoow adiga iyo wiilasha waad is-maamuli kartiin, cashadiina iyo casriyada waa idin diyaariyey, waanu soo daaheynaa oo waxaan u socono waad ogtahay”.

 

Jamaal: “Aniga iyo wiilasha lee ina sheegtay aaway Abti isaguna?”.

 

Habaryarta: “Caawa wuu soo dhaxayaa oo wuxuu jiraa Guriga Hooyadiisa oo arrimo qoyskooda ah ayuu soo xalinayaa”.

 

Jamaal: “Caawa guriga waad wada faarujiseen, laakiin dhib malahan annagaa is-maamuleyno, laakiin waxaad u imaaneysiin Guriga oo wada iftiimayaa, wiilasha ku shaqeynayaa si aysan u caajisin, aniga caawa banooni ma lihi sidoo kale wiilasha walaalheygaba malahan”.

 

Habaryarta: “Laakiin wiilka la dhaho Maxamed wuu dabeecad xun yahay yaan la iga dilin”.

 

Jamaal: “Habaryar aniga qof walba waan la dhaqmi karaa waad I garaneysaa”.

 

Habaryarta: “Wax ayaan ku dhihi rabay, balse markale ku dhihi doonaa ee nabadeey”, kadib iyada iyo gabdhaha waa ay ka tageen guriga oo ay aadeen Halka uu arooska ka dhacaayo.

 

Jamaal oo isla yar hadlay ayaa isku dhahay: “Waaba fursad aan ku kulmi lahaa Safiyo, hadda aniga iyo wiilasha waa inaa hagaajinaa daashka ama afka hore ee Qololka, kadibna aan cabnaa Casriyada, marka maqrib laga soo baxna waa inaa aadaa dhanka maamda caanaha iibisa si aan kula kulmo Safiyo, guriga wiilasha waa ay ku filan yihiin oo internet-ka iyo game ayey iska ciyaarayaan, furaha kore ka qaadanayaa kadibna Meesha maamada cano aadayaa insha allah”.

 

Jamaal qorshihii ayuu ku dhaqaaqay wiilashii ayuu shaqo geliyey, waxa ay shaqeeyaanba waa ay dhameyeen, kadib mid walba uu so qubeystay cabayna Casriyada SHaah aiyo buskud oo loo diyaariyey, xoogaa kadib waxaa la gaaray waqtiga salaada maqrib, dhamamantooduba waa ay aadeen masjidka, salaada kolka lasoo tukaday ayey guriga ayeyw ada yimaadeen, Jamaal ayaa ku dhahay meel meeshaan ah ayaan kusoo laabanayaa ii sii baashaala, wuu ka tagay guriga oo uu aaday dhanka Maamada Caana iibisa.

 

Jamaal waxa uu socdaaba ugu dambeyntii wuu gaaray goobta Maamada Caanahak u iibiso, balse nasiib uma yeelanin in uu ku arko goobta Safiyo, si aysan Hooyada u dareemin ayuu Salaamay Safiyo Hooyadeeda..

 

Safiyo Hooyadeeda oo ka qaatay Salaanta ayaa kadib ku tidhi: “Caanihiina waa kanaa ee orodoo guriga geey, waan raadinaayey qof guriga geeya, Waan la socdaa Canab iyo Gabdhaheeda in ay aroos aadeen, keligeyga ayaan ahaay marka adigaa ku arkayee caanaha guriga geey”.

 

Jamaal: “Keligaa miyaa maantay iibinaayey Caanaha?”.

 

Hooyada: “Haa, safiyo oo I caawineysay waxa ay jirtaa Guriga walaasheeda oo wiil ka jiran”.

 

Jamaal: “Haye Hooyo, anigaa geynaayo Caanaha, Kheyr badan kuu rajeynayaa”, waa uu ka tagay.

 

Jamaal waxa uu socdaaba guriga ayuu tagay, kadib caanihii ayu uku shubay Wiilka caanaha, inta uu meel fadhiistay ayuu isku dhahay: “Markii labaad oo aan damcay inaa arko Safiyo iima suurto-galin, gabadhaasi ma hal maalin la arag baa mise aniga ayuu waqtiga ii saamixi la’yahay, quruxda inantaasi iyo sida ay u dhaqan egtahay Hooyadeyda alle ha u naxriistee, ayaa maankeyga mashquulisay”

 

>> Labo maalin kadib

 

Jamaal oo weli raadinaayey muuqa Safiyo, ayaa si lama filaan ku arkay iyada oo la socota Gabdho, kuna arkay Suuqa, Jamaal kolka uu arkay Safiyo ayu uku dhahay: “Waan ku salaamay Inanta aan maalmahaan la arkin”.

 

Safiyo: “Waan kaa qaaday Inanka mar walba la arko balse aan aniga arkin”, gabdhaha la socda Safiyo oo ay ka mid tahay Walaasheeda ka yar ku tidhi: “Safiyo wiilkaani sidaan kula hadlaya waa kuma?”.

 

Safiyo: “Abaayo waxa uu ka mid yahay Macaamiisha Hooyo caanaha ka iibsada”.

 

Jamaal: “Sidaasi miyaan kula mid noqday Safiyo, waxaanba kaa sugaayey wax ka duwan, balse waxa aad I dhahday waan iska qaadanayaa, ka gudub inaa si gooni ah kula hadlo rabaaye ma kula hadli karaa?”

 

Safiyo: “Lambarkeyga ku siinayaa igala soo xiriir wixii aad I dhihi laheyd, hadda meel ayaan u socdaa”, kadib lambarkii ayey u qortay waa ayna ka tagtay Jamaal.

 

Jamaal marka uu ka tagay Safiyo oo uu ka qortay lambarka ayuu isla hadlay oo isku yidhi: “Waaba arrin fiican haddiiba ii qortay lambarkeeda, maalmo ayaan raadinaayey sidii aan kula hadli lahaa ama aan ula sheekeysan lahaa, caawa waa inaa wacaa si aan ula sheekeysto”.

 

Warmooge, Jamaal lambarka loo qoray isaga oo hubsanin ama eegin ayaa loo qoray laguna qoray Magaca Safiyo……..

 

Saacado kadib ahna Xilli Habeen oo Salaada Cisho laga soo baxay

 

Jamaal ayaa wacay Lambarka ay  qortay Safiyo, markii hore waa laga qaban waayey, mar labaad oo u uku celiyey ayaa laga qabtay, waxaana ka qabatay Gabadh la dhaho Hibo oona ah Safiyo walaasheyda ka weyn oo Marwo ah, markii ay qabatay Hibo, ayey ku tidhi: “Halow, waa qofma?”.

 

Jamaal: “Abaayo waa Jamaal, waa wiilkii aad maantay u qoreysay Lambarkaaga”.

 

Hibo: “Yaah!, goormee I aragtay oo ila kulantay, mise lambarka waa uu kaa khaldan yahay”.

 

Jamaal: “Galabtay ayaad ii qortay lambarkaaga oo waxaad la socotay Gabdho, mark aiga dhaaf is-dabaalinta ee maad ila hadashid Safiyo”.

 

Hibo marka ay maqashay Magaca Safiyo ayey ogaatay in arrinta ka dambeyso Safiyo, kadib ayey ku tidhi Jamaal: “Walaalo waan mashquulsanahay, markale kula soo hadli doonaa”.

 

Jamaal: “Horta ma tahay Safiyo, waayo waxaad I dhaheysay ama uu kaa khaldan yahay lambarka”.

 

Hibo waa ay ku jartay Teleefoonka, waayo jawaab uma heynin, kadib ayey wacday Safiyo, dabadeed ayey weydiisay sababta ay lambarkeeda u siisay wiilka.

 

Safiyo: “Walaaley wiilkaasi waa iga hari la’yahay, adiguna inaa dhahdid aheyd Marwo ahay, mideeda kale waad ogtahay inaa leeyahay xidhiidh mana rabo inaa sameysto xidhiidh kale”.

 

Hibo: “Sida aan dareemayo wiilka aad lambarkeyga soo siisay ma’ahan mid taasi kaaga haraayo, laakiin waxaan ku dhihi lahaay qof dambe hasoo siinin lambarkeyga, wiilka haddii aadan rabin u sheeg runta”.

 

Safiyo: “Warkaa ku dhan, balse u sheeg lambarka gabadha ay laheyd in ay maqan tahay, kadib wuu hilmaamayaa”.

 

Hibo: “Anigaa garanaayo sida aan u xalin lahaaye, wixii hadda ka dambeeya iga ilaali waxaan oo kale”..

 

>>Dhanka kale, Jamaal oo isla hadlay ayaa isku dhahay: “Lambarka ay ii qortay Safiyo, wax ayaa ka qaldan, waayo labo war oo is-qilaafsan ayey igula hadashay, codka aan maqlaayeyna ilama ahan safiyo oo waanba xasuustaa codkeeda, tanina waan ogaan doonaa sida ay wax u dhaceen”..

 

La soco Qeybta xigta Insha allah

 

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *