Manchester City Oo Guul Weyn Kala Soo Laabatay Garoonka Copenhagen Kulan Ka Tirsan Champions League

0

Kooxdka Kubadda Cagta ee Manchester City ayaa hal lug lagashay wareega xiga ee Champions League kadib marka ay saddex gool iyo hal kaga badisay Copenhagen.

Naadiga Man City ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh iyagoo raadinayay goolka 1-aad ee ciyaarta, waxaana daqiiqadii 3aad uu De Bruyne ku sigtay in uu madax ku dhaliyo kubad uu ka helay Nathan-Ake.

Man City ayaa mar kale isku dayday in ay hesho fursad uu ka helay Ruben-Diaz ka dibna Ake, laakiin waxa ay dhaaftay meel ka baxsan garoonka, waxaana daqiiqadii 11-aad Manchester City ku guulaysatay inay la timaado goolka furitaanka waxaana u saxiixay De Bruyne kadib caawin uu ka helay Phil-Foden.

Tababate Guardiola ayaa ku qasbanaaday in uu badalkiisii ugu horeeyay sameeyo kadib markii uu saaray Jack Grealish oo lagu badalay Jeremy Doku daqiiqadii 21-aad dhaawac dartiis.

Kullanka ayaa la hakiyay in muddo ah si loo daaweeyo xiddiga Phil-Foden daqiiqadii 26-aad, goolhayaha Copenhagen ayaa badbaadin cajiib ah sameeyay ka dib markii uu Bernardo isku dayay inuu dhaliyo gool.

Daqiiqadii 30-aad kadib 5 daqiiqo markii ay Manchester City iska qasaarisay fursad kooxda Copenhagen ayaa dhalisay goolka bar-bar dhaca waxaana u dhaliyay Mattson.

Intii aysan dhamaan qeybta hore ee ciyaarta waxaa goolka hogaanka u dhiibay Man City Bernardo Silva.

Goolhayaha Kooxda Copenhagen ayaa sii watay dadaalka qaybta dambe ee ciyaarta isagoo De Bruyne ka hor istaagay gool daqiiqadii 54-aad, waxaana sii socday weerarada labada dhinac, balse ma dhicin wax halis ah.

Xiddiga Rodri ayaa isku dayay daqiiqadii 67aad, balse darbadiisa ayaa ku dhacday meel u dhow birta midig, waxaana ka hor dhamaadka ciyaarta u suuragashay Foden uu dhaliyay goolkii seddexaad daqiiqadii 92aad ee ciyaarta, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay guul ay gaartay kooxda Sky Blue ee Man City.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *