Chelsea Oo Guul Waqti Dambe Ah Ka Gaadhay Crystal Palace.

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa kusoo laabatay tubta guulaha horyaalka Premier League, waxaanay 3-1 kusoo garaacday kooxda ay isku magaalada yihiin ee Crystal Palace, kaddib laba guul-darro oo isku xigay oo ay kala soo kulmeen Wolves iyo Liverpool.

Crystal Palace ayaa gool la hormartay qaybta hore iyadoo Jefferson Lerma uu bannaanka ka toogtay darbad xooggan oo uu goolhaye Petrovic awoodi waayey in uu ka joojiyo goolkiisa, laakiin Chelsea ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad keensatay gool ka niyadda usoo celiyey Connor Gallagher oo noqday dhaliyahooda waqtigan ee hawsha ka furtay weeraryahannada.

 

Ciyaarta oo u muuqanaysay in ay labada kooxoodba ku qanacsan yihiin barbarro, ayaa lagu daray 4+daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo wax walba dhinaca kale u rogay, isla markaana meesha ka saaray wax walba oo laga filanayay ciyaartan.

Daqiiqaddii 90+2 ayuu Cole Palmer kubbad kasoo qaatay difaaca kooxdiisa, waxaana uu la yimid xerada ganaaxa oo uu si taraarax ah dhulka ugu raaciyey Conor Gallagher oo meel dambe soo ordayay, kaas oo isaguna darbad dhulka ku socota ka toogtay goolka, waxaana uu ku hubsaday shabaqa place.

 

Isla markii kubadda dib loo bilaabay ee ay daqiiqad kale socotay ayaa waxa dhacay lama filaan kale, waxaana mar kale kubadda khadka dhexe ka helay Palmer oo difaaca Crystal Palace dhexdooda kubadda ugu dhax bixiyay Enzo Fernandez oo isaguna difaac ka horreeyey dhawr jeer waabiyey, kaddibna uu iyadoo goolhayaha iyo difaacuba ay dhulka jiifaan kubadda ku toogtay goolka oo waxyar u jiray.

Guushan ay Chelsea gaartay ayaa imanaysa iyadoo ay kusoo waajahan tahay ciyaarta adag ee ay Manchester City ku qaabbili doonaan garoonka Stamford Bridge maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *