Real Madrid Oo Xasuuq Iyo Bahdilaad Iskaga Reebtay Kooxdii Eryanaysay Ee Girona

0

Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa shan dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalkaSpain ee LaLiga, waxayna xasuuq iyo karbaas culus u geysatay kooxdii eryaneysay  Girona oo ay dhax jiid-jiiday garoonka Santiago Bernabeu.

Ciyaartaan oo si weyn indhaha loogu hayey isla markaana laga sii sheekaynayey sida uu tababare Ancelotti u xallin karayo dhibaatada dhaawacyada ee khadka dambe ee difaaca, ayaa waxa ay saddexda dhibcood ku tirsadeen afar gool iyo rikoodhe ay iska qasaariyeen.

Xiddiga Jude Bellingham oo laba gool dhaliyey ayaa waxa diiwaanka goolasha kula biiray Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes halka dhamaadkii ciyaartana uu rikoodhe qasaariyey Joselu oo beddel kusoo galay.

Daqiiqadii 6aad ee bilowga ciyaarta ayuu Vinicius Jr ku aftaxay gool qurux badan oo uu masaafo fog ka toogtay oo uu ku hubsaday shabaqa naadigaGirona, kaas oo ku riday argagax ay kasoo kaban kari waayeen.

Xiddiga reer Brazil oo ahaa laacibka burburiyey difaaca kooxdaGirona, ayaa waxa uu sameeyey laba fursadood oo kale oo dilay Girona.

Kubbad uu Vinicius Junior ka tuuray garabka midig oo uu difaaca u dhaafiyey Bellingham ayuu xiddiga reer England usoo gooyey goolhayaha, kadibna lugta bidix uu ku dhamaystiray isagoo ku leexiyey goosha oo ay laba difaac sii galeen si ay kubada uga difaacaan maadaama goolhayahooda meel cidlo ah lagaga yimid.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayey Madrid mar kale u ogolaatay Girona in ay kubadda ku haysato qaybteeda, iyagoo ka ilaaliyey in lagu soo dhowaado, waxaana shaqo adag khadka dhexe ka hayey Camavinga, Valverde iyo Toni Kroos oo diidayey in kubadda loola tago Tchouameni iyo Carvajal oo lagu qasbay in ay difaaca dhexe ka ciyaaraan maadaama ay kooxdu difaacyo la’aan ahayd.

Vinicius Jr ayaa soo burburiyey difaaca garabka bidix ee Girona, isagoo si xeeladaysan u dilay Couto, kadibna kubadda soo dhigay goolka hortiisa, waxaana gacanta la laacay goolhayaha Girona oo iska leexiyey, laakiinse Bellingham oo orod kusoo galay xerada ganaaxa ayaa cidlo ka helay kubadda oo shabaqa oo madhan ku hubsaday, ciyaartana ka dhigay 3-0.

Xiddiga reer England ayaa waxyar kadib ku baxay dhaawac lugta bidix ah, kadib markii ay lugtiisu ka liicday kuraanta oo uu ku istaagay dhinaca dambe ee rogga-lugta.

Xiddiga reer barazil ee Rodrygo Goes ayaa ugu dambayntii isku qoray diiwaanka goolasha, waxaana kubbad uu kasoo qaatay khadka dhexe iyada oo ay garbihiisa ordayaan Vinicius Jr iyo Brahim Diaz uu darbad xooggan oo uu soo jaray weydaariyey goolhaye Paulo-Gazzaniga oo ay habeen xun u ahayd.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa Real Madrid loo dhigay rikoore uu qasaariyey Joselu oo birta ay kubaddu kaga dhacday, iyada oo ciyaartuna kusoo dhamaatay 4-0 ay guushu ku raacday Real Madrid.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 61-dhibcood, waxayna shan dhibcood ka sarreeyaan Girona oo hadda haysata 56 dhibcood, halka Barcelona oo saddexaad ku jirtaana ay 50 dhibcood haysato balse ay habeen dambe ciyaarayso. Atletico Madrid ayaa kaalinta 4-aad ku jirta waxa ay iyaduna haysata 48-dhibcood.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *