Manchester City Oo La Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League Xilli Uu Haaland Boodhka Iska Jafay

0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka  Premier League, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Everton oo marti ugu ahayd Etihad Stadium, waxaanay figta sare kali ku ahaan doonaan illaa inta ay soo baxayso natiijada ciyaarta Liverpool iyo Burnley.

Laba gool oo uu dhaliyey Erling Haaland ayaa Man City siiyey guul ay hoggaanka horyaalka Premier League kagala wareegtay Liverpool oo ay hal dhibic ku dhaaftay, iyadoo waliba City ay haysato hal kulan oo baaqi u ah oo haddii ay badiso ay heli doonto fursad ay kusii dheeraysato hoggaanka.

Ciyaar si adag loogu xafiiltamay oo ay kooxda Everton difaac adag ku jirtay isla markaana qaybta hore kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah ayaa waxa waqti dambe go’aamiyey laacibka reer Norway oo 20-kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey is-raaciyey laba gool.

Jeremy Doku iyo Phil Foden ayaa Manchester City ka khasaariyey fursado qaybta hore, halka Everton ay lumisay fursad cajiib ahayd oo birta ay dul-mariyeen.

Tababare Pep Guardiola oo nasiyey Bernardo Silva iyo Kevin De Bruyne ayaa ku qasbanaaday inuu keeno qaybta dambe oo waxyar socota, waxaana uu isasoo raaciyey labadan ciyaartoy iyo Kyle Walker oo isaguna qaybta hore kaydka ku jiray.

Kubbad koorne ahayd oo ay Manchester City soo tuuratay ayay difaacyahannada Everton iska saari kari waayeen, waxaana dhawr ciyaartoy oo ay ku dhacday kaddib xerada ganaaxa ka helay Erling Haaland oo darbad xooggan oo lugta midig ah ku qabtay goolka oo tallaabooyin u jiray, sidaana hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa daqiiqaddii 71-aad ee ciyaarta.

Intaas wixii ka dambeeyey, Manchester City waxa ay muujisay deggenaan ciyaareed oo uu khibrad ku hagayey Kevin De Bruyne oo ugu dambayntiina si qurux badan u naqshadeeyey goolka labaad.

Dhamaadka ciyaarta oo ay 5-daqiiqadood ka harsan tahay ayuu De Bruyne kubbad u tuuray Erling Haaland oo maraya badhtamaha garoonka, waxaana uu orod iyo awood kusii jiidhay difaaca ka hor intii aanu kubadda ula tegin goolhaye Pickford oo kusoo baxay laakiin uu hoostiisa ka bixiyey kubadda sidaaas ne ciyaarta ku noqotay 2-0.

Haaland oo toban ciyaarood dhaawac ku seegay, isla markaana kulamadii uu soo laabtay ay dhalintu dafirtay ayaa mar kale boodhka iska jafay oo is-raaciyey laba gool, waxaana uu kali ku noqday tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta.

Man City ayaa waxa ay guushani siisay inay yeeshaan 52-dhibcood, waxaanay hal dhibic ka sarreeyaan Liverpool oo la ciyaaraysa Burnley oo haddii ay ka badiso mar kale hoggaanka dib ugu soo ceshan doonta farqi laba dhibcood ah.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *