Vinicius Iyo Tchouameni Oo Real Madrid Gacanta U Geliyey Hoggaanka LaLiga, Xilli Uu Ganaax Ku Maqnaa Bellingham

0

Kooxda Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka LaLiga, kaddib guul soo laabasho ah oo ay kasoo gaartay Las Palmas oo ay marti u ahayd, taas oo keentay in ay laba dhibcood dhaafaan Girona oo kaalinta labaad u dhacday.

Laba goal oo ay kala dhaliyeen Vinicius Jr iyo A. Tchouameni ayaa Real Madrid siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah, iyaga oo meesha ka saaray gool uu bilowga qaybta labaad kaga nixiyey Javi Munoz.
Ciyaartaan oo qaybtii hore ay Real Madrid ku dhibaatootay garoonka, isla markaana ay Las Palmas kubada haysay ayuu C. Ancelotti kusoo bandhigay khibraddiisa isaga oo qaybtii labaad xeelad ku beddelay ciyaarta isla markaana beddelo uu sameeyey ay isbeddelka ku keeneen safkiisa.
Qaybta hore ayey labada kooxoodba awoodi waayeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan, iyada oo Vinicius Jr uu kooxdiisa ka khasaariyey kubbad uu goolka la hortegay oo uu isku dayey in uu goolhayaha ka dul qaado, laakiin uu awoodi waayey in uu ka dallaco.
8 daqiiqadood iyada oo qaybta labaad socota ayay kooxda garoonkeeda joogtay ee Las Palmas ay u dabbaal-degtay gool uu Munoz dhulka kubadda u raaciyey goolhaye Lunin oo bandhig fiican sameeyey.
Kubbad meel fog laga soo tuuray oo uu garabka midig kala soo galay Sandro ayuu xerada ganaaxa ugu dhiibay xiddiga Munoz oo isaguna hal taabasho ku dhamaystiray.
Naadiga Real Madrid oo la dareemayay in ay tebayso Jude Bellingham oo ganaax kaga maqnaa, ayaa 5 daqiiqadood kadib goolka Las Palmas, waxa gool u dhaliyey Carvajal hase yeeshee VAR oo laga soo hubiyey ayaa diidday goalkaas.
Ancelotti ayaa laba beddel sameeyey si uu u firfircoonaysiiyo kooxdiisa, waxaana uu keenay Fede Valverde iyo Joselu oo beddelay Brahim iyo Ceballos oo aad u liitay, waxayna labadan ciyaartoy tamar cusub siiyeen ciyaartoyda kooxda Real Madrid oo awooday in ay laba gool la yimaaddaan.
E. Camavinga ayaa kubbad uu difaacyahannada ka dul qaaday waxa xerada ganaaxa ku maamulay Vinicius oo darbad xooggan oo lugta bidix ah ku toogtay goolka oo tallaabooyin u jira, sidaana ciyaarta kaga dhigay 1-1.
Xiddiga reer Brazil ee Vinicius ayaa mar kale kubbad goalka hortiisa loo dhigay, waxaana uu ka dul qaaday goolhayaha laakiinse waa ay ka fogaatay, halka kubbad kale oo uu garabka midig kala soo galay oo uu dersin difaacyahanno ah u gooyeyna laga leexiyey goolka.
Tchouameni ayaa kursiga kaydka uga soo kacay si uu guul ugu go’aamiyo kooxdiisa, waxaana kubbad koorne ahayd oo uu soo tuuray xiddiga reer Germany ee Toni Kroos uu ku qabtay madax awood badan oo uu shabaqa ku hubsaday dhamaadka ciyaarta oo ay lix daqiiqadood ka harsan tahay.
Tchouameni ayaa goolka dhaliyey isagoo saddex daqiiqadood oo kaliya garoonka ku jiray, waana goolkiisii labaad ee xilli-ciyaareedkaan uu u dhaliyo kooxda Real Madrid.
Laacibka reer Turkey ee Arda Guler oo beddel kusoo galay ayaa lumiyey fursad dahabi ahayd, kadib markii kubbad loo dhigay meel cidlo ah oo uu si fiican u maamuli waayey, waxaana kasoo gaaray goolhayaha oo kusoo orday, sidaana kaga badbaadiyey.
Natiijadaan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay hoggaanka LaLiga la wareegtay oo ay haysato 54 dhibcood, halka kooxda ku xigta ee Girona oo labaad u dhacday ay leedahay 52 dhibcood, kaalinta saddexaadna waxa ku jirta Barcelona oo haysata 44 dhibcood laakiinse la ciyaaraysa Villarreal oo haddii ay badiso mar kale toddoba dhibcood usoo jirsan doonta Real Madrid.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *