Halkee Ayuu Jurgen Klopp Aadaya Kaddib Bixitaankiisa Liverpool? – Akhriso Kooxaha Waaweyn Ee Sugaya

0

Jurgen Klopp ayaa la sheegay inay hor yaalaan dhawr shaqo oo kala duwan oo uu midkood dooran doono, kaddib markii uu shaaciyey inuu si rasmi ah uga tegayo kooxdiisa Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda.

Tababarahha Liverpool ayaa shandaddiisa ka xidh-xidhan doona Anfield oo uu maamulayay 8- sannadood iyo badhkii dambeeyey, waxaana Reds ay durba bilowday inay raadiso tababarihii u beddeli lahaa, iyagoo dooraddooda saaray Xabi Alonso oo Bayer Leverkusen layliya.

Markii uu go’aankiisa shaaciyey, ayuu Jurgen Klopp sheegay in uu geli doono nasasho sannad ah oo aanu xilli-ciyaareedka dambe wax shaqo ah qaban doonin, waxaanu yidhi: “Ma jirto koox ama xul qaran oo aan sannadka dambe laylinayo. Ma jirayso koox kale oo Ingiriis ah oo abid aan tababare u noqon doono.

“Xataa haddii aan waayo wax aan cuno, uma noqon doono koox kale oo Ingiriis ah tababare.”

Wargeyska  afka dheer ee The Sun ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa sheegay in Jurgen Klopp uu kala dooranayo shan shaqo oo haddaba lala doonayo oo uu cidlo ka qaadanayo, waxaana ugu horreeya xulka qaranka dalkiisa jarmani ee daalaa-dhacaya.

Xidhiidhka kubadda cagta jarmalka ayaa la sheegay inay bishii September la xidhiidheen Jurgen Klopp markii ay shaqada ka caydhinayeen Hansi Flick, balse waxay markii dambe go’aansadeen inay magaacaabaan Julian Nagelsmann oo uu qorshuhu yahay in uu layliyo tartanka Euro 2024 ee bisha June, kaddibna waxay isku dayi doonaan inay ku qanciyaan in Klopp uu la wareego.

Waxaa kale oo doonaya xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ga oo marka uu dhamaado tartanka qaramada Yurub go’aan ka gaadhi doona tababare Gareth Southgate haddii uu natiijo fiican ka keeni waayo.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid oo dhawaan uu heshiis cusub oo laba sannadood ah u saxeexay Carlo Anelotti oo loo damaanad-qaaday inuu ku sugnaanayo Santiago Bernabeu illaa sannadka 2026, ayaa la sheegay inay doonayso inay Klopp ka dhigato tababaraheeda cusub, isla marka uu soo dhamaysto sannadka nasashada ah.

Barcelona iyo kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Klopp.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *