Manchester United Iyo Tottenham Oo Dhibcaha Ku Heshiiyay.

0

Kooxaha Tottenham iyo Manchester United ayaa ku heshiiyay bar-baro kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhacay Old Trafford.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labada kooxood soo bandhigeen ciyaar orod ah.

Tottenham ayaa ku fiicnayd maamulista ciyaarta xilli ay Man United difaac ku jirtay si ay U ilaashato goolkeeda.

Man United ayaa adeegsanaysay weeraro isdaba jog ah o ay ku doonayeen goolal.

Daqiiqadii 3-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana udhaliyay xiddiga Ramus Hojulnd kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Tottenham ayaa bilowday in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay samaynayeen fursado aan kala joogsi laheen.

Daqiiqadii 19-aad ayay Tottenham dhalisay goolka bar-baraha ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Richarlison kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Waxa ay Manchester United mar kale bilowday in ay adeegsato weeraro rogaal celis ah si ay u dhaliso goolal kale.

Daqiiqadii 40-aad ayay Man United mar kale dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United hogaaminayso natiijada ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Tottenham si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay doonayeen in ay soo laabtaan.

Daqiiqadii 46-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 2-aad ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddigoda Rodrigo Bentancur kaas oo ciyaartamar kale ka dhigay barbaro 2-2.

Waxaa sidaas ku so dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 2-2 ah kuna heshiiyeen dhibcaha ciyaartan.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *