Chelsea Oo Guushii SADDEXAAD Oo Xidhiidh Ah Heshay Xilli Uu Palmer Hoggaanka U Qabtay Gool-dhalinta Blues

0

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa guul ka gaartay Fulham oo ay ku garaacday 1-0, waxa ayna usoo dallacday kaalinta 8-aad ee horyaalka Premier League iyaga oo sagaal dhibcood usoo jirsaday kooxda kaalinta afraad ee Arsenal.

Kooxda Blues ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabishay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Fulham oo uu xafiiltan badan ka dhexeeyo, waxaase guusha cidhiidhiga ah ku hoggaamiyey saxiixooda cusub ee Cole Palmer oo waqtigii dheeraadka ahaa ee qaybtii hore dhaliyey gool rikoodhe ahaa.

Qalad uu galay difaaca reer France ee Isa Diop ayaa waxay Blues ku aamintay Palmer oo dhaliyey goolkiisii sagaalaad ee uu u saxiixo Blues isagooo sidaasna ku noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxdiisa xilli ciyaareedkaan.

Ciyaarta oo ay inteeda bada maamulaysay naadiga Chelsea oo hoygeeda joogtay ayaa waxay Chelsea u ahayd markii ugu horreysay xilli-ciyaareedkaan ee ay saddex kulan oo isku xiga oo horyaalka Premier League ah ay guuleystaan.

Xiddiga C. Galalgher ayaa u dhowaaday in uu hoggaanka usii dheereeyo Chelsea laakiinse nasiib darro kubbad fooli ahayd oo uu ku qabtay oo uu xerada ganaaxa ka helay ayaa birta kaga dhacday, ka hor intii aanu Willian fursad dahabi ahayd ka luminin oo uu birta dulmariyey.

Goolhaye Petrovic ayaa diiday in kooxdiisa la barbareeyo kadib markii Pereira uu orod kusoo dilay T. Silva oo uu kubadda usii dhiibay xiddiga Jimenez, balse waxa badbaadiyey goolhaye Petrovic.

Xiddiga Sterling ayaa ay birtu ka dafirtay kubbad ay isku dhiibeen xiddigaha Caicedo iyo Broja o uu laacibka reer England meel cidlo ah oo xerada ganaaxa ah ka helay, taas birta kaga dhacday.

Ciyaaryahanka Colwill ayaa sidoo kale fursad fiican ka khasaariyey kooxdiisa markii uu xerada ganaaxa dhaxdeeda ka helay kubad uu birta dulmariyey.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Chelsea ay yeelatay 31 dhibcood, waxaanay sagaal dhibcood ka dambaysaa Arsenal oo kaalinta 4-aad kaga jirta horyaalka Premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *