Man United Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaartay Aston Villa Xilli Uu Hojlund Dhaliyey Goolkiisii 1aad Ee Premier League

0

Kooxda Man United ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Aston Villa oo laba gool kala hormartay, waxayna soo afjartay laba ciyaarood oo Xiriir ahaa oo guul darrooyin loogu xambaarinayey Old Trafford iyada oo wiilka dahabiga ah ee Alenjandro Garnacho uu noqday geesiga Red Devils.

Saddex goal oo qaybtii dambe ay la timid Manchester United ayaa u go’aamiyey guul ay kaga nafiseen murugooyinkii hareeyey usbuucyadii u dambeeyey ee ay guul la’aanta ahaayeen.

Kooxda Aston Villa ayaa laba gool oo afar daqiiqadood gudahood ahaa kaga nixiyey Man United qaybtii hore, waxayna sidoo kale heleen fursado kale oo ay ku dili karayeen Red Devils oo mid ka mid ah uu goolhaye Andre Onana si naf-hurnimo leh u badbaadiyey.

Daqiiqadii 22-aad ayuu John McGinn hoggaanka u dhiibay Aston Villa kaddib markii uu xerada ganaaxa ka helay kubbad dhinaca midig laga soo qaaday oo laad xor ahayd oo uu weydaariyey goolhaye Andre Onana.

Naadiga Manchester United oo aanu wali ka go’in gagabka iyo niyad-jabka goolka lagala hormaray ayaa waxa ay mar kale aragtay iyada oo ay kubaddu googla dhax-taalo, waxaana daqiiqaddii 26-aad goolka labaad u dhaliyey Aston Villa Leander Dendoncker.

Intaa wixii ka dambeeyey kubaddu waxa ay ka socotay dhinaca Aston Villa halka Manchester United ay ciyaartoydeedu ku dedaalayeen in ay iska ilaaliyaan in goolal intaas ka badan laga dhaliyo qaybta hore, si waqtiga nasashada ay ula soo tashadaan Ten Hag.

Markii lagu soo noqday qaybtii labaad ee ay afar daqiiqadood oo kaliya socotay ayaa waxa Man united gool u dhaliyey Alejandro Garnacho, hase yeeshee VAR ayaa goolkaas ku sheegtay offside maadaama markii kubadda loo dhiibayey uu tallaabo ka horreeyey difaacyahannada.

10 daqiiqadood ayuu Alejandro Garnacho gool aan muran gelin oo sharci ah Man United u saxeexay, waxaanu goolkani noqday midka sida dhabta ah niyadda ugu soo celiyey Manchester United ee sababay inay dagaal adag galaan.

Xiddiga Da’yarka reer Argentina oo ay saaciidadu saarnayd ayaa goolkiisii labaad oo ansax ah ciyaarta kaga dhigay barbarro 2-2 iyadoo maraysa daqiiqaddii 71-aad, waxaana halkaas dabbaal-deg weyn ku sameeyey Ten Hag iyo jamaahiirta kooxda maadaama labadii ciyaarood ee u dambeeyey ee ay ku ciyaareen Old Trafford laga badiyey.

Xiddiga Rasmus Hojlund ayaa ugu dambayntii dhaliyey goolkii muddada dheer la sugayay ee horyaalka Premier League, waxaana uu dhamaystiray goolka saddexaad ee kooxdiisa ee go’aamiyey guusha soo laabashada ee cajiibka ah.

GatoonkaOld Trafford ayaa farxad isla qabsaday markii uu Rasmus Hojlund dhaliyey goolkiisa koowaad, sidoo kalena ay kooxdiisu hoggaanka ciyaarta la wareegtay, waxayna  ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Manchester United.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Manchester United ay soo gashay kaalinta lixaad oo ay ku haysato 31 dhibcood, halka Aston Villa ay iska lumisay fursad ay kaalinta labaad ee Premier League kusoo geli lahayd oo ay Liverpool oo hoggaanka haysa kula sinmi lahayd, waxayna hadda ku jirtaa kaalinta saddexaad oo ay ku haysato 39 dhibcood.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *