Liverpool Iyo Arsenal Oo isku garab dhaceen kulan ka dhacay Anfield

0

Kooxaha kubadda Cagta ee Liverpool iyo Arsenal ayaa ku heshiiyey inay dhibcaha ku qeybsadaan kulan ay si adag ugu dagaalameen garoonka Anfield, kaasoo labada kooxood ay heleen fursado badan oo ay ka faa’iidaysan waayeen.

Xiddigaha Gabriel iyo Mohamed Salah ayaa isku jawaabay qaybtii hore, waxaana ay Tababarayaasha Jurgen Klopp iyo Mikel Arteta ogolaadeen inay min hal dhibic ka helaan ciyaartaan oo inteeda badan ay maamulaysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool oo lumisay sirtii ay kaga badin lahayd kooxaha waaweyn.

Tababare Klopp oo ay kooxdiisu barbarro la gashay Manchester City, Man United iyo Chelsea, ayaa waxa kale u raacday guul-daro ay u xambaarisay Tottenham, halka Arsenal ay noqoto kooxdii weynayd ee u dambaysay ee iyaduna dhibco ka qaadata Liverpool.

Naadiga Gunners ayaa si weyn ugu dabbaal-degtay natiijadaan, iyada oo Mikel Arteta uu ku dheg-dhegay gacan yarihiisa markii ay ciyaartu dhamaatay maadaama ay kooxdiisu ka badbaaday khatar badan, halka Jurgen Klopp uu dhibsanayay natiijadaan oo uu rumaysnaa in kooxdiisu ay u qalmaysay inay guuleysato.

Daqiiqadii 4-aad ee bilowga ciyaarta ayay Arsenal hoggaanka ku qabatay kubbad koorne ahayd oo uu madax awood badan ku qabtay difaaca Brazil ee Gabriel oo shabaqa u weydaariyey goolhaye Alisson oo awoodi waayey in gacantiisa midig ay kubadda joojiso.

Laakiinse Mohamed-Salah ayaa gool qurux badan ugu jawaabay isla markaana kubbad uu kala soo galay dhinaca midig oo uu kusoo eryaday xiddiga Zinchenko darbad xoogan ku gamay goolhaye Raya oo aan wax fursad ah u helin in uu joojiyo kubaddaas.

Goalka Salah oo dhashay daqiiqadii 29-aad, ayaa waxa dabbaal-deggiisa dhabqiyey dhaawac soo gaaray Tsimikas oo shan daqiiqadood kadib ku baxay dhaawac, kadib markii uu Saka oo riixay dhulka ku tuuray, isla markaana isku dul dhaceen tababare Jurgen Klopp.

Beddelo oo uu sameeyey Jurgen Klopp ayaa sii xoojiyey cadaadiska ay Liverpool ku haysay Arsenal, waxaase laba jeer diiday nasiibka.

Kubad uu Mohamed-Salah kala soo baxsaday difaacyahanasa Arsenal oo si qaldan iskugu dhacay iyagoo jooga laynka goolka Liverpool horteeda, ayaa waxa uu xiddiga reer Masar goolka Arsenal hortiisa ugu dhiibay Alexander Arnold oo isaguna ka dul qaaday goolhaye Raya, hase-yeeshee kubadda ayaa ku dhacday birta oo xagga sare ah, kaddibna dib usoo noqotay.

Waxaa kale oo birta garaacay xiddiga Harvey-Elliott oo kubaddiisa uu sii leexiyey Gabriel oo ay kusii dhacday ka hor intii aanu goolhaye Raya caawinin si ay goolkooda uga leexiyaan.

Kooxda Arsenal ayaa dhamaadkii ku dooday in la siiyo rikoore markii Kai Havertz uu dhulka ku riday Trent Alexander Arnold, hase-yeeshee garsooraha dhexe iyo VAR oo laga soo hubiyey ayaa isku raacay in xiddiga reer Germany uu marka horeba dhulka kusii dhacayay.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Arsenal ay hayso hoggaanka horyaalka Premier League oo ay 40-dhibcood leedahay, waxayna min hal dhibic ka horreysaa Liverpool oo kaalinta labaad ku jirta iyo Aston Villa oo min 39 dhibcood leh.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *