Arsenal Oo Guul Ka Gaartay Brighton, Wacdarihii Aston Villa, Man Uinted iyo Liverpool oo dhibcaha qeybsadeen

0
Kooxda Arsenal ayaa  2-0 ku garaacday kooxda Brighton oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.
Labada gool oo ay qaybtii dambe kala dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Kai Havertz ayaa Arsenal siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah oo sabab u noqday in ay hal dhibc dhaafaan Liverpool, sidoo kalena ay hal dhibic ka sarreeyaan Aston Villa oo booska labaad kusoo ciriirsaty guul waqti dambe ay ka gaadhay naadiga Brentford.
Naadiga Arsenal ayaa iska lumisay fursado badan oo ay dersin goolal ah ku dhalin karaysay labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana uu shabaqu diiday xiddigaha Martin Odegaard, Bukayo Saka iyo Declan Rice oo mid walba uu goolka la hrotegay kubado goolal loo fishay oo uu goolhayuhu ka badbaadiyey ama ay difaacyahannadu isku dhigeen.
Arsenal oo yeelatay 39-dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka horreysaa kooxaha Liverpool oo 38 dhibcood leh, kadib markii Manchester united 0-0 la gashay, iyo Aston Villa oo guul soo laabasho 2-1 ah ka gaadhay Brentford oo haysata 38 dhibcood,  waxaa sidaasi Kaalinta koowaad qabatay Arsenal, Halka Liverpool labaad gashay oo farqi goolasha uga horreysa Astoon villa oo 38 dhibcood wadaagaan

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *